Kullan Loogu Ducaynayey Marxuum Suxufi Cawke oo Maraykanka lagu Qabtay

 

 

Minneapolis(SLpost)-Waxa xalay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota lagu qabtay kulan loogu duceynayay ALLAHA u Naxariistee, Wariye Axmed Xasan Suufi Cawke, waxaana kasoo qayb-galay suxufiyiin, abwaanno, fannaaniin, macallimiin & saaxiibo gooni ah oo uu lahaa.

 

Kulanka oo ay soo qaban-qaabiyeen bahda Saxaafadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Xasan Jaamici oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, wuxuuna marxuumka Illaahey uga baryay inuu u dambi dhaafo, Jannadiina ugu bishaareeyo

Macallin Siciid Saalax ayaa isaga oo kulanka ka hadlaya sheegay in Cawke ahaa saaxiibka qof kasta oo Soomaaliyeed. “Wuxuu ahaa nin  wanaag iyo karti leh, waana ka xumahay geeridiisa, Illaaheyna waxaan uga baryeynaa inuu u naxariisgto,” ayuu yiri Macallin Siciid Saalax

“Cawke wuxuu ahaa wariye waddani ah, aftahan ah, xigmad badan, fir-fircoon, mar kastana diyaar u ahaa shaqadiisa” ayuu yidhi C/qaadir Mursal oo intaas ku daray. “Cawke sidoo kale wuxuu ahaa xirfadle saxaafadeed oo aqoon  durugsan u leh warbaahinta iyo dhaqankeeda”

Hibo Nuura iyo Cadar Kaahin oo ka mid ah fannaaniita Soomaaliyeed ayaa iyana sheegay inay aad uga naxeen geeridda Cawke. “Magaca Hiba – Nuura – waxaa ii bixiyay Cawke, wuxuuna ahaa shaqsi igu weyn oo Soomaaliyeed, wuxuu ahaa nin cid kasta la kaftama.”

Ugu dambeyn, xubnihii kale ee ka hadlay Xuskaan ducada ah ayaa sidoo kale tacsi u diray xaaskii, carruurtii, eheladii, qaraabadii & saaxiibadii uu ka geeriyooday marxuum Axmed Xassan Cawke Allaha u naxariistee.