Kulan-weyne lagu gorfaynayo Xeerka Nidaaminta Garsoorka oo kulmiyey Waaxaha Xeer-dejinta iyo Garsoorka oo maanta Hargeysa ka furmay

Hargeysa, 27 February, 2012 (SLpost)- Kulan hawleed laba cisho soconaya oo lagu lafo gurayo Xeerka Nidaamka Garsoorka  isla markaana ay ka qayb galeen ku dhawaad Sideetan Xubnood oo isugu jira Xildhibaano, Bahda Garsoorka iyo Xeer ilaalinta, ayaa maanta ka furmay Huteelka Guuleed ee Caasimada Hargaysa.

Kulan hawleedkan oo ay ka soo qayb-galeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa soo qaban qaabiyay Gudi-hoosaadka Shuruucda iyo Xuquuqul Iinsaanka ee Golaha Waliilada waxaana maalgalisay Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP .

Gudoomiyaha Gudida Shuruucda ee Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Cismaan Caalin “C.raxmaan dheere” oo madashaasi ka hadlay ayaa iftiimiyay in dulucda xeerkan ay ku qotonto sidii wax ka badal iyo kaabis ay ugu samayn lahaayeen xeerka Nidaamka Garsoorka si uu u noqdo ayuu yidhi mid anfaca dalka iyo dadka isla markaana lagu hago bah’da Garsoorka .

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Xasan Aadan ayaa dhiniciisa ka sheegay in dib u habaynta cadaaladu ay faa’iido u leedahay dalka isagoo iftiimiyay in Xeerka Nidaamka Garsoorku uu ka turjumayo ahmiyada ay bah’da garsoorku u hayaan wadanka .

Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa tilmaamay in Siyaasadu ay tahay ta meel marisa Qawaaniinta aynu samaysanay waxa uu Wasiirku hoosta ka xariiqay in Xeerkani aanu soo marin marxaladihii loogu talo galay isla markaana ay haboonayd inuu ka soo baxo Xukuumada markaas kadibna loo soo gudbiyo Golaha Wakiilada si ay uga gutaan waajibaadka ka saaran, Wasiirka Cadaaladu waxa uu sheegay inay Gudida Cadaalada u Sameeyeen Xafiis ay ku gutaan hawlahooda shaqo kaas oo ay dhawaana xadhiga ka jari doonaan .

Mudane Xuseen Axmed Caydiid waxa uu carabka ku dhuftay in Xooga la saaro dib u eegista Go’aanada ka soo baxa maxkamadaha si loogu qiimeeyo ayuu yidhi Garsoorayaasha .

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali oo madashaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Garsoorka kaas oo Bud-dhig u noqonaya Waaxda Garsoorka Somaliland Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland waxa uu Xusay in Xeerarka loo curiyo inay boqolka sanno ee soo socda anfacaan dadka iyo dalkaba isla markaana ay daruuri tahay sidii loo lafo guri lahaa qodobada uu xeerkani xambaarsan yahay si looga saaro wixii madmadow ah .

Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu intaas ku daray in aragtidiisa xeerkan la xidhiidha ay ku qotonto inuu yahay mid xal u keenaya Mushkiladaha iyo Cabashooyinka laga tirsado bah’da Garsoorka Somaliland.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “C.raxmaan Cirro” oo gaba gabadii kulan hawleedkaasi si rasmi ah u furay ayaa sheegay in Xeerkan nidaamka garsoorka ay Gole ahaan Laba jeer wax ka bedel ku soo sameeyeen gaar ahaan xiligii Xukuumadii hore isla markaana ay madaxtooyadu dib ugu soo celisay golahooda si kaabis loogu sameeyo waxaanu xusay in Markii danbe digreeto madax weyne lagu dhaqan geliyay xeerkan Maanta laga doodayo iyo kii ay wax ka bedelka ku sameeyeen.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “C.raxmaan Cirro” waxa uu kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha in si Cilmiyaysan ay u naaqishaan Mabaa’diida Guud iyo Qodobada uu xeerkani xambaarsan yahay si markaas kadib loogu soo celiyo Golaha Wakiilada.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net