Kulan Sannadeedka Jaaliyaddaha Qaaradda Yurub ee Somaliland oo ku Qabsoomay Brussels iyo Qodobbada lagaga hadlay (SAWIRRO)

Brussels (SLpost)- Kulan sannadeedka Jaaliyadaha Yurub ee Somaliland oo uu soo qaban-qaabiyey ururka Somaliland Society Europe (SSE), ayaa todobaadkan dhammaadkiisii ku qabsoomay Caasimadda dalka Belgium isla markaana xarun u ah Baaralamanka Midowga Yurub ee Brussels.

Kulankan oo daba-socday bannaan-bax ballaadhan oo Jaaliyadaha Somaliland ee ka horseemeeyeen Xarunta Baarlamanka Midowga Yurub, halkaas oo ay ku soo bandhigeen isla markaana kaga dalbadeen midowga Yurub inuu qaddariyo rabitaanka iyo Qaddiyadda Somaliland.

Somaliland Society Europe (4)War-murtiyeed ka soo baxay Guddida Fulinta Ururka SSE oo lagu faahfaahiyey waxyaabaha lagaga hadlay kulankaas, ayaa u dhignaa sidan: Kulanku wuxuu si rasmiya u bilowdey maalintii Jimcaha ee 12.04.2013, waxaana ka soo qayb galay xubno aad u tiro badan oo isaga yimid daafaha Yurub. Waxaa nasiib wanaag iyo fursad fiicanba u aheyd Dallada Somaliland Socities in Europe (SSE) in maalintii ka horreysay ee Khamiista isu-soo bax aad u balaadhan oo SSE ay hormood ka aheyd uu ka dhacay xarunta Yurub ee Brussele, kaasoo ay ka soo qayb galeen dad u badan oo ka kala yimid waddamo badan oo Yurub ah.

Somaliland Society Europe (3)Kulankan oo dhowr qaybood ahaa ayaa qaybtii ugu horreysay ee aroornimada waxa lagu bilaabay kalmado soo dhoweyn, waxaana kulanka daadihinayay Cabdiraxman Cabdullahi Jibriil oo ka soo qayb galayaashii kulanka si kooban ula socodsiiyay qaabka iyo habmaamuuska oo kulanku u soconayo. Ugu horreynba Safiirka Somaliland u fadhiya waddanka Biljimka Mudane Maxamuud Cabdi Dacar ayaa haddalo soo dhoweyn goobta ka soo jeediyay, isagoo dadkii goobta isugu yimid sidoo kale uga mahadnaqay sidii wanaaga iyo karaamadu ku jirtey ee looga soo qayb galay isu-soo bixii lagu qabtay Xarunta Midowga Yurub. Intaa ka dib Guddoomiyaha Dallada SSE Mudane CabdiraxmanYaasiin ayaa si rasmiya u furey kulan sannadeedka Dallada SSE oo ah kiisii toobnaad ee ilaa hadda qabsooma tan iyo intii dhidibada loo taagay Dallada SSE. Guddoomiyuhu wuxuu si kooban uga hadlay taariikhda Dallada iyo hadafkeeda iyo weliba himilooyinka ay mustaqbalka damacsantahay.

Somaliland Society Europe (2)Kalmadahaa soo dhoweynta iyo furitaankaa ka dib ayaa waxa haddal hordhac u ahaa qaddiyada Somaliland madasha kasoo jeediyay Dr. Xuseen Cabdillahi, waxaanu ugu horreynba si qoto dheer uga hadlay Somaliland iyo sooyaalkeedii taariikheed iyo weliba maraaxisha kala duwan ee ay soo wajahday tan iyo sannadkii 1991kii. Sidoo kale wuxuu si kooban uga waramay guulaha ilaa hadda Somaliland ay ku talaabsatay iyo weliba carqaladaha lalal soo kulmay. Ugu dambeyn wuxuu haddalkiisii ku soo gabogabeeyay in dadka reer Somaliland gudaha iyo dibedaba in looga baahanyahay inay la yimaadaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah oo la xidhiidha in si wada jir ah looga wada shaqeeyo sidii loo gaadhi lahaa himilooyinka la higsanayo.

Intaa ka dib waxa Madasha haddalo ka soo jeediyay saddex khabiir oo ajaanib ah kuwaasoo ka soo qayb galayaashii kulanka la wadaagay aragtidooda ku wajahan Somaliland iyo guud ahaan mandaqada waxa ka socda ;

Somaliland Society Europe (1)Dr. Markus Hoehne oo ka socda Maxadka Planck ayaa ugu horreyntiiba si koobqn uga qaabka Somaliland wakhtiga dheer ay ku soo caano maashay kaasoo ay taagida haykal dawladeed iyadoo kii dhaqankuna uu garab socdey. Wuxuu tilmaamay in doorkii ama kaalintii nidaamka dhaqanku uu maalinba maalinta ka dambeysa uu sii daciifayo oo doorka Dowladu uu xoogoobayo. Markus wuxuu si faahfaahsan uga hadlay caqabadaha Somaliland soo waajahay oo loo baahanyahay in si cilmiyaysan loo fahmo qaabka looga gudbayo. Wuxuu ka hadlay caqabadaha jira inay yihiin qaar gudaha ah oo tusaale ahaan la xidhiidha shaqo la ,aanta haysata kumanaanka dhallinyarada ah ee Somaliland ku sugan. Waxa kale oo ku hadlay sida ay mahuraan u tahay in dadka reer Somaliland haday dhinaca bari tahay iyo haddii ay galbeed tahay in isfahan isku mida laga yeesho jiritaanka Somaliland. Waxa kale oo ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay isu-soo dhoweynta gobollada Somaliland dhinaca fursadaha shaqo iyo arrimaha bulshaba. Sidoo kale waxa uu ka soo qayb galayaashii kulanka la qaybsadey hawlaha ka soo kordhey isbedalada siyaasadeed ee  hadda ka socda Soomaaliya iyo sida loogu baahanyhay inay Somaliland istaraatajiyad cad ka yeelato.

Somaliland Society Europe (SSE)Intaa ka dib waxa isna madasha si cilmiyaysan uga hdalay Profesor Gerard Prunier oo ah macallin sare oo dhinaca taariikhda ah isla markaana khabiir ku ah dhinca Geeska Afrika ; Khabiirku wuxuu ku nuuxnuuxsaday in wakhtigqn xaadirka ah ay Somaliland soo waajaheen arrimo aan indhahaha laga qarsan karin oo ah sidii Somaliland qadiyadeeda u waajihi lahayd una difaaci iyadoo ka duuleysa isbedalada iyo jawiga lagu jiro. Waa muhiim in Somaliland ay qadiyadeedqa ku saleyso duruufaha hadda lagu jiro si markaa loo helo tab cilmiyaysan oo ay Somaliland ku ilaaliso danaheeda gaarka ah. Waa lagama maarmaan in Somaliland ay yeelato siyaasad firfircoon oo ka midho dhalin karta guulaha iyo wanaaga ay Somaliland ilaa hadda kasbatay ;

Somaliland Society Europe (5)Nicholas Whyte oo ah agaasimaha hayada Diblamaasiyiinta madaxa bannaan (indepemdent diplomat) ayaa isna haddalo kooban goobta ka soo jeediyay. Waxa uu si adag uga hadlay in siyaasada maanta caalamka jirta ay Somaliland u baahantahay saaxiib weyn oo difaac u noqda qaddiyada iyo danta ay Somaliland leedahay. Waxa uu ka hadlay sida malaayiinta dollar loogu kharash gareeyay Soomaaliya mudada dheer ee ilaa hadda aan laga gaadhin wixii laga filayay. Waxa uu goobta ka soo jeediyaya dardaaran la xidhiidha in Somaliland ay hayso waxyaabo badan oo ay caalamka ka iibin karto oo la xidhiidha guulaha ay ka gaadhay nabadeynta iyo doorashooyinka ay qabatay iyada oo ayna xabadi ka dhicin. Somaliland waa muhiin inay xooga saarto sidii ay dardar u gelin laheyd qadiyqdeeda iyadoohaysa wax badab oo loo soo joogsan karo ;

Robert Wiren oo a suxufi iyo qoraa Faransiis ah ayaa isna ka hadlay safaradii uu ka tagey Somaliland iyo waxyaabaha uu ku soo arkay wakhtiyadaa uu goobta ku noqnoqonayay ; Waxa uu qirey in Somaliland ay hayso waxyaabo badan oo u baahan in la daraaseeyo, lana cilmiyeeyo isla markaana u baahan in caalamka laga iibyo.

Qaybtan hore ee kulanka waxa lagu soo gunaanadey filim kooban oo laga soo sameeyay Somaliland iyo durfuufihii ay soo martey, kaasoo ilaa hadda aan la dhammeystirin. Run ahaantii wuxuu ahaa filim xasuus ku reebay dhammaan dadkii daawanayay, isla marakaana si xiiso badan oo bilaaa dhaqdhqaaq ayaa loo daawaday darteed tayada iyo fariinta uu gudbinayay filimku darteed.

Somaliland Society Europe (6)Qaybtan markii la soo gabogabeeyay waxa la bilaabay Dallada SSE iyo hawlihii ay soo qabatay iyo waxa ay mustaqbalka damacsantahay Dalladu. Qaybtan waxaa daadihinayay Jama Muse Jama.  Hordhac kooban dabadeed waxa uu codbaahiyaha ku soo dhoweeyayGuddoomiyaha Dallada kulmisa ururada Somaliland ee Yurub Mudane Cabdiraxman Yassin. Guddoomiyuhu wuxuu si guud madasha kulanka la qaybsadey wixii Dallada u qabsoomay sannadkii 2012-2013. Wuxuu si faahfaahsa uga hadlay in Dalladu sannadkii laga soo gudbay ay xooga saartey dib-u-habeynta nidaamka lagu shaqeynayo iyo shuruucda la rabo in lagu hago Dallada sannadaha soo socda. Intaa ka dib lacaghayaha Dallada Iid Xasan ayaa isna ka warbixiyay wixii dhaqaale u soo hoyday gaar ahaan dhaqaalaha Dallada ka soo galay lacagta xubinimada. Sidoo kale wuxuu ka warbixiyay nidaamka ay guddigu rabto inay u samayso habka la rabo in mustaqbalka dhow dhaqaalaha Dallada lagu kabi iyo weliba istaraatajiyada dhaqaale ee loo baahanyahay in la raaco. Ugu dambeyntii wuxuu ka waramay sida ay lagama maarmaan u tahay in xubnaha Dalladu ay ku baraarugsanaado muhimada dhaqaalaha iyo in xubnuhu waajib iska saaraan arrimaha dhaqaalaha. Mooto Xaaji Cali Bootaan ayaa isna ka waramay in guddiga Dalladu ay xooga saareen sannadkan u dambeeyay sidii xidhiidh adag loola sameyn lahaa ururada Bulshada ee Somaliland. Si tan loo suuro galiyo ayuu sheegay in sannadkan laga shaqeeyay xidhiidh isku xidha Unuga Waddaniyada Somaliland iyo Dallaada SSE, taasoo hadda meel fiican mareysa isla markaana Unugu si rasmiya ay u ogolaadeen inay xubin rasmiya ka noqdaan Dallada SSE. Tani waxay horumarinaysaa xidhiidh adag oo dhex mara ururada qurbo jooga Somaliland ee Yurub iyo Ururada waddankii. Ugu dambeyntii waxa qaybtan lagu soo gabogabeeyay suáalo iyo jawaabo la xidhiidhay aragtida ama jihada ay Dalladu afka saareyso sannadaha soo socda.

Qaybtani markii ay dhammaatay waxa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyay Maxamed Cumar Maygag oo ka hadlay sida maanta aadka loogu baahanyahay in laga shaqeeyo isku duubnida iyo wadashaqeynta dadka reer Somaliland si markaa looga midho dhaliyo yoolka ay Somaliland higsanayso. Intaa ka dib Marwo Layla Abokor oo ku hadlaysay magaca ururka Samafalka Mujaahidiinta SNM ayaa si faahfaahsan uga hadashay xaalada iyo duruufaha ay ku suganyihiin mujaahidiintii u soo halgamay waddanka iyo sida loogu baahanyahay in lagu baraarugsanaado sidii dayaca haysta mujaahidiinta looga warhayn lahaa waxana loogu tari lahaa inta ay noolyihiin.

Gabagabadii Jama Muse Jaama oo qaybtan galinka dambe hagayay ayaa ka waramay duruufaha Somaliland ay guud ahaan ku sugantahay iyo sida loogu baahnayahay in qurbo joogu ay ciyaaraan kaalinta looga baahanyahay. Labo kooxood ayaa loo qaybiyay ka soo qayb galayaashii kulanka lagana codsadey bal inay tallooyinkooda ka dhiibtaan sida ay u arkaan arrimaha maanta u baahan in wax laga qabto iyo tallada laga gaysan karo. Doodo qoro dheer iyo rayiyo badan ayaa goobta la isku weydaarsadey taasoo aan loogo talo gelin in warbixinteeda si gaara loo soo saaro.

Ugu dmbeyntii guddiga Dallada ayaa shir sannadeedkii si rasmiya u soo xidhay isla markaana mahadnaq us oo jeediyay dhammaan dadkii ay hawshu ku dhacdey. Si gaara ayaa loogu mahadnaqay Jaalliyada waddanka Biljim, xubnaheeda iyo guddigeedaba.

Allaa Mahad Leh

Gudida fulinta SSE