Kulan Madaxtooyada ku Dhexmaray Madaxweyne Siilaanyo iyo Prof Axmed Ismaaciil Samatar

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan la yeeshay Siyaasiga Prof: Axmed Ismaciil Samatar oo tan iyo toddobaadkii hore ku sugnaa Somaliland.

Kulankaas oo ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada ma jirin wax war ah oo ka soo baxay oo ay Madaxtooyadu ka soo saartay, wuxuuse u muuqday mid Salaan guud iyo is bariidin ku kooban, lamana oga waxyaabaha ama qodobbada ay Prof: Samatar iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisu kaga wadahadleen kulanka gaarka ah ee Axaddii maanta dhex-maray, waxaana ku weheliyey Wasiirka Hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Cali-Marreexaan).

kulanProf: Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawrkii sano ee u dambeeyey u soo jeestay dhinaca Siyaasadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay toddobaadkii hore markii uu Hargeysa ka soo degay shaaciyey in la gaadhay wakhtigii uu ku biiri lahaa mid ka mid ah Xisbiyada Siyaasadda Somaliland.

Inkasta oo aanu jirin Xisbi uu weli si rasmi ah ugu biiray Axmed Ismaaciil Samatar, haddana waxa jira wadahadallo u dhexeeya isaga iyo Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, iyadoo hadal-hayntu u badan tahay inuu ku biiri doono KULMIYE, haddana ma cadda ka uu ku biiri doono.