Kulan lagu xoojinayo joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo Hargeysa lagu qabtay iyo Wasiirka Cadaaladda oo ku hanjabay inay Maxkamad la tiigsanayaan ciddii ka dhego adaygta

Hargeysa, 06 February, 2012 (SLpost)- Kulan lagu xoojinayo ololaha joojinta Gudniinka Fircooniga ah oo ay ka soo qayb-galeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Somaliland ayaa maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargaysa.

Kulan oo si weyn loo soo agaasimay waxa ka qayb galay Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Diinta iyo Awqaafta, Cadaaladda, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka, Salaadiin, Cuqaal, Ururada Bulshada Rayidka ah, Ardayda Jaamacadaha iyo saraakiil ka socday hay’adaha Samo falka caalamiga ah.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa tilmaamay dhibaatada uu haweenka ku hayo gudniinka fircooniga ah iyo siyaabaha ugu haboon ee wax looga qaban karo  waxaana uu wasiirku sheegay in gudniinka fircooniga ahi ay diinteena Islaamku ka soo hor jeedo maadaama uu yahay sida uu xusay Ciqaab jidheed oo lagula kaco haweenka isla markaana uu distoorkeenu xaaraantinimaynayo wax kastoo wax yeelo ku ah bani’aadamka. Wasiirka Cadaaladda ee Somaliland Xuseen Axmed Caydiid waxa uu ku hanjabay in cid kasta oo lagu arko inay ka dhego-adaygeen tallaabadan lagu tir-tirayo gudniinka Fircooniga ah, inay maxkamad la tiigsan doonaan.

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sh.Khaliil C.laahi Axmed ayaa sheegay in maanta adduunku uu garwaaqsaday gudniinka fircooniga ah ee  haweenka lagula kaco uu yahay xad gudub waxaanu bulshada Somaliland u soo jeediyay in laga koro ficilada ay diinteena suuban ee islaamku inaga maanacday, wasiirka awqaaftu waxa uu cadeeyay in Gudniinkani uu yahay waxyaabaha laga dhaxlay Fircoon iyo Shayaadiintiisii.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac oo madashaasi ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay dadaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan wax ka qabashada gudniinka fircooniga ah waxaanay sheegtay inay sameeyeen ololayaal ka dhan ah arrintan waxaa kale oo wasiirka qoysku ay intaas ku dartay qorshayaasha ay Xukuumadu arrintan ka leedahay.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa sheegtay in dhibaatada gudniinka fircooniga ahi aanay ahayn wax ka qarsoon haweenka waxaanay waalidiinta u soo jeedisay in hablaha soo koraya laga daayo aafadan oo sannad kastaba kumanaan hablood noloshooda cidhiidhi gelisa gaar ahaan ayay tidhi xiliga foosha ay ku jiraan oo ay la soo dersaan ayay tidhi dhiig bax sababa inay geeriyoodaan.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay xubno kala duwan oo kulankaas ka qayb galay iyo mas’uuliyiin ka socday hay’ada Health and limited.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net