Kulan lagu shaaciyey Mashruuc lagu talaalayo Malaayiin Xoolaha Somaliland ka mdi ah oo maanta Hargeysa ku qabsoomay

Hargeysa, 16 April, 2012 (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali ayaa ka qayb galay Xaflad  lagu dhamaystirayey mashruuc lagu  daaweeyay shan boqol oo kun oo Neef, Isla markaana lagu Bilaabayey  talaalka afar Milan oo Neef oo xoolo ah, taas oo lagu qabtay xarunta Wasaarada Xannaanada Xoolaha ee Hargeysa.

Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dhakhaatiirta iyo howl-wadeenada Wasaarada Xannaanada Xoolaha, madaxa   Hay’ada FAO Xarunteeda caasimada  Hargeysa Maxamed Jaamac Gaheyr iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaadaasi Maxamed Axmed cabdi, waxa ugu horayn ka hadlay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw daahir, waxaanu sheegay in  uu diyaar  yahay  in la bilaabo  talaalka Afar milyan oo neef oo laga talaalayo ayuu yidhi Cudurada halista  ku ah xoolaha , isla markaana dabar goyn kara,Waxa uu xusay in xooluhu yihiin laf dhabarta dhaqaalaha  dalka, isagoo tilmaamay in xooluhu ay yihiin kuwa aynu ka helo dheefta kala duwan  sida  Hilibka, Caanaha iyo Subaga.Waxaanuu Wasiirku u mahad celiyey  dhakhaatiirta, kal-kaaliyayaasha iyo farsama yaqaanada wasaaradda dedaalka shaqo ee ay  sameeyeen iyo sida ay u guteen hawsha caafimaadinta xoolaha.

Waxa kale oo isna halkaa  ka hadlay Madaxa Hay’adda FAO Maxamed Jaamac Gaheyr ,waxaanuu ka waramay wada shaqeynta ay  leeyihiin Wasaarada Xannaanada Xoolaha  iyo mashruucan dhamays tirka daaweynta Xoolaha. Waxaanuu Xusay  in mashruucaasi  lagu daaweeyay xoolo ilaa shan boqol oo kun gaadhaya oo xanuuno kala duwan laga daaweeyay, taas oo laga soo fuliyay ayuu yidhi dhammaan gobolada Somaliland, waxa kale oo isna halkaa ka hadlay madaxa Cusub ee isku-xidhka   barnaamijyada Xoolaha.

Geba-gebadii xafladaasi waxa isna halkaaka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Xannaanada Xoolaha Maxamud Axmed cagaweyne, waxaanuu  ka waramay ujeedada  qabashada xafladan oo uu sheegay in lagu soo gunaanadayey mashruuca daaweynta xoolaha iyo in lagu furo mashruuca talaalka  Xoolaha oo la bilaabayo cudurla sun-sunka, gaar ahaan idaha iyo Riyaha. Oo ah cudur halis ah,si dalka looga dabar jaro.

SLpost News/Hargeysa