Kulan lagu dhiiro-gelinayo maalgeshiga Ganacsatada ee dhanka beeraha oo maanta Hargeysa ka Furmay

Hargeysa, (SLpost)- Kulan lagaga hadlayey maal-gashiga ganacsata ee dalka ayaa maanta ka furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargaysa. Kulankan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxa soo qaban qaabiyey dallada Beeraha ee KAAFI Umbrella waxaana maalgelisay shirkada wadaniga ah ee AL-NOUR Furniture.

Furitaankii shirkan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiirka wasaarada Beeraha, Agaasimaha samofalka madaxtoooyada, gudoomiyaha ururka ODHA, Xoghayaha guud ee golaha guurtida, xildhibaano ka socday golaha wakiilada, gudoomiyaha jaamacadaha Gollis, Agaasimaha qorshaynta ee wasaarada qorshaynta iyo qanacsato tiro badan oo ay ka mid ahaayeen DAHABSHIIL, SOMTEL, TELESOM, AL-NOUR, ASLI MILS, RAMAD MILK PRODUCTION, SOMGAS, OOMAAR iyo NATIONLINK.

Waxa kulankan furay wasiirka wasaarada Beeraha Prof: Faarax Cilmi Geedoole waxaana sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu mudo kooban uu shirkii 2aad kala qayb galo una furo Dalada beeraha ee KAAFI waxaanu soo dhaweeyey daladan oo uu sheegay inay wax badan ka bedelyso horumarka dalka iyo guud ahaan feildka beeraha,

Wasiirka wasaarada beeruhu waxa uu sheegay in maalgashiga guduhu uu aad uga muhiimsan yahay ka debeda kaaga yimaada iyo in aad cid wax ka sugto waxaanu dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dalada abaabulay uu u soo jeediyey in aan laga nasan ka midho dhalinta ka wasaarad ahaana waxa uu sheegay in daladaasi tahay mid ay si weyn ula shaqyn doonaan.

Waxa wasiirka ka horeeyey oo faahfaahin ka bixiyey barnaamujka iyo Daladaba agaasimaha dalada mudane Cabdixakiin Jaamac Caalin waxaanu ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay ka midho dhalinta quudinta mustaqbalka ee dalkeenu iyo in gacan layska siiyo sidii umadeena loogu baraarujin lahaa dhamaanteena aynu uga qayb qaadan lahayn.

Waxa iyaguna madasha ka hadlay xoghayaha guud ee golaha guurtida C/laahi Habane, C/raxmaan Xaaji nour oo ka socday Shirkada maalgelisay ee Al-Nour, agaasimaha samofalka madaxtooyada Marwo Amina Maxamud Diiriye Faadummo Siciid, Gudoomiyaha jaamacada Gollis, agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada Qorshaynta iyo masuuliyiin kakala socday shirkadaha ganacsiga waxaanay dhamaantood soo dhaweeyeeen fikirkan Quudinta Mustaqbalka(Feed the Future) ee ay dalada beeraha ee Kaafi bilawday waxaanay u balan qaadeen wadashaqayn joogto ah.

Aakhirkii maalinta koobaad ee shirkan waxa Gudoomiyaha dalada beeraha Mudane Suleymaan Cabdisitaar Dubad uu  shahaadooyin gudoonsiiyey wasiirka wasaarada beeraha iyo shirkadaha Nationlink, Al-Nour iyo Dahabshiil waxaanu halkaa ugaga mahadceliyey dadaalka ay umada u hayaan iyo dhiiri gelintooda joogtada ah.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net