Kulan-Diimeedka Ugu ballaadhan Bariga Afrika lagu Soo Gunaanaday Magaalada Hargeysa

latest SL newsHargeysa (SLpost)- Masaajidka Ijtimaaca ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay subaxnimadii lagu soo gebo-gabeeyey kulan diimeed ballaadhan oo ay ka soo qayb-galeen Muslimiin lagu qiyaasay Shan iyo toban kun oo qof oo isaga kala yimi Caalamka oo dhan oo ay ku jiraan deegaamada Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.

Kulankan oo ah mid sanadle ah oo muslimiinta badhkood ku kulmaan Markiskooda ugu weyn Bariga Afrika oo ku yaala magaaladda Hargeysa, ayaa socday muddo saddex cisho ah, waxaana intii uu socday dadka la xusuusiyaa Cibaadada iyo U-dhawaanshaha Eebbe iyo Sunnihii Nebi Muxammad, isla markaana wanaaga iyo waxyaalaha ay ajarka ka helayaan ku dhaqmaan, waxaana maalintii Salaasadda ee bisha 18-ka June si rasmi ah u furay Wasiirka Diinta iyo Aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo Muslimiinta ku waaniyey ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka Asluubta suubban ee diinta musliminka.

Kulanka Muslimiinta oo ay soo abaabuleen Dariiqada Tabliqiinta, ayaa muslimiin aan la qiyaasi Karin ka soo qaybgaleen saddex maalmood ee uu socday, waxaana dhamaan la buuxiyey labada dabaq ee masaajidku ka kooban yahay, dhismayaasha Jaamacadda ee masaajidka  iyo deyrka weyn ee ku xeeran masaajidka, iyadoo dadkii martida ahaana ay masaajidka u hoydeen halka dadweynaha Hargeysa iyo inta u dhow ee ka qayb-galay ay buux dhaafiyeen barxadda weyn ee masaajidka, kuwaas oo ilaahay ku caabadayey, isla markaana dhaxantii iyo dabayshii dhacaysay illaahay dartood ugu samay si ay u dhagaystaan wacdiga iyo hadalka qiimaha leh ee culimadu ku baraarujinayeen.

Muslimiinta Tabliqiinta ah ayaa inta badan ku dadaalaa inay qof kasta ugu yeedhaan kuna baraarujiyaan diinta, iyada oo dadka aan Saladaha tukanin iyo kuwo wakhtigooda ku lumiya faakahaysiga ugu taga goobaha ay fadhiyaan si ay ugu baraarujiyaan Naxariista Diinta iyo Cibaadada Eebbe.

Sidoo kale, waxa sanadkan ugu badnaa Soomaalida timi muslmiin ka socotay deegaanka Soomaalidda ee Itoobiya, iyadoo dad lagu qiyaasay ilaa afar kun oo qof ka yimaadeen dalka Itoobiya, kuwaas oo isugu jiray Muslimiinta qoomiyadaha kala duwan ee dalkaas isugu jiray.

Muslimiinta kulankan ka soo qaybgalay ayaa iskugu jira dhalinyaro, waayeel iyo dad da’doodu meel dhexaad tahay, kuwaas oo dar Illaahay usoo baxay isla markaa  wejiyadooda ka muuqatay inay nooleeyaan diinteenna, waxaana sannad-walba kulankaasi shimbir u noqdaa dad badan oo aanay hore isugu wanaagsanayn Ilaalinta waajibaadka cibaadada ee Eebbe Kor yeelay Qof kasta oo Muslim ah, Qaan-gaadh ah, Caqligiisuna fayow yahay.

Intii uu socday kulankani, Culimo waaweyn oo ka kala yimid daafaha dunida ayaa ka sheekeeyey qiysoosin badan oo wax lagu qaadan karo, kuwaas oo ka qiiraysay dhammaan Muslimiintii isugu timi Kulankaas oo sannad-walba kumanaan kun oo Qof kulmiya.

Kulanka waxa ka soo qayb-galay madax kala duwan oo kala socday dawladaha Somaliland iyo Jabuuti, kuwaas oo isugu jiray Xildhibaanno, Wasiirro iyo Xisbiyada Somaliland oo wacdiga dhagaysanayey.

SOMALILANDPOST.NET