Hargeysa, 06 March, 2012 (SLpost)-Shir-ballaadhan oo lagu gorfeenayo maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuq maasuqa ayaa mudanayaasha labadda Golle Baarlamaan ee golaha Guurtidda iyo Wakiiladda Somalilandmaanta uga furmay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Kulankan ayaa ah mid lagu soo bandhigayo isla markaana lagu falanqayn doono cawaaqib xumadda ay lee dahay musuq maasuqu iyo muhiimadda wanaagsan ay lee dahay maamul wanaagu, waxana sidda la sheegay uu kulankani socon doonaa muddo saddex maalmood ah.
Ugu horeyn waxa shirkaasi hadlay dhiiri-gelin ah ka soo jeediyay Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxana uu sheegay in uu shrkani diiradda saarayo xeer horre loogu soo gudbiyey labadda golle oo ah xeerka maamul wanaagga la dagaallanka musuq maasuqa, waxana uu intaasi ku daray in uu kulankani muhiimad gaar ah u lee yahay xildhibaanadda golyaasha Somaliland.
Gudoomiye Cabdillaahi Cirro waxa uu si qoto dheer uga hadlay muhiimadda ay lee dahay maamul wanaagu, waxana uu sheegay in haddii maamulku wanaagsanaaddo ay wax kasta hagaagi doonaan.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland waxa uu sheegay in Musuqmaasuqu yahay aafo qaran, waxana uu si adag ugu hadlay dhibaatadda uu leeyahay musuq maasuqu, isaga oo tilmaamay in dalal badan oo ka mid ah Afrika ay la daalaa dhacayaan dhibaatadda muqusmaasuq.
Isna waxa madasha hadal ka soo jeediyey Cali Yuusuf oo ka socday hay’adda UNDP ayaa sheegay in musuqmaasuqu yahay dhibaatadda curyaamisa dalalka, waxana uu tilmaamay in Somaliland aanay ka jirin musuqmaasuq laxaad leh “Dadka arrimaha gobolka wax ka eegaa waxa ay leeyihiin Somaliland waa meelaha ugu musuq maamusqa badan laakiin anigu sida ma aaminsani.”Sidaa ayuu yidhi Cali Yuusuf waxana uu intaas ku daray “Maaha wax fudud in wax laga qabto musuq maasuqa waayo waxaa dhici karta in dadka musuq-maasuqaasi lugta ku lihi inay ku jiraan dadka awoodda ku leh maamulkas sidaa darteed maaha wax sahlan.”.
Xuseen Cabdillaahi oo ah Gudoomiye ku xigeenka Maamul- wanaaga iyo La-dagaallanka musuq maasuqa oo ka hadlay kulankaasi ayaaa sheegay in uu musumaasuqu yahay dhibaato qaran waxana uu intaasi ku daray in uu musuqmaasuqu keeno maamulka oo xumaada sidaa darteed hadii uu maamulku xumaadu inay qasab noqonayso inuu yimaaddo musuq maamusqu waxana ka mid ahaa hadaladdiisii “Sababta aanu idiinku yeedhnay maaha inaanu seminar idin siino waa inaan si wadajira isula falan qayno wax kaqabashada arrimaha maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa” .
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo si wadda jir ah loogu qabto labadda golle qaran eeSomaliland.
SLpost.net
info@somalilandpost.net