Kulan Dhexmaray Somaliland iyo Hay’adda Boqortooyada Ingiriiska u Qaabilsan Maalgeshinta

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Horumarinta Maalgaashiga iyo Warshadaha Somaliland oo ay wehelinayaan madaxda safaaradda Somaliland ee dalka UK ayaa shir la yeeshay hay’adda British International Investment(BII) oo ah xafiiska maalgeshiga dibadda u qaabilsan dalka UK.

British International Investment waxay hore maalgalin ugu samaysay mashruuca Berbera Corridor waxayna saami la leedahay shirkadda gacanta ku haysa dekedda Berbera ee DP World.

Shirka waxa lagaga wada hadlay arimo badan oo ay ka midyihiin sidii ay dawladda UK u maalgashan lahayd kaabayaasha dhaqaalaha iyo wax soo saarka cunnada ee uu leeyahay dalkan Jamhuuriyadda Somaliland