Ku-simaha Madaxweynaha Qaranka oo Tacsi u diraya Abaal-duulihii Qaybta 12 ee Ciidamada Qaranka oo Hargeysa lagu aasay

Hargeysa (SLpost)- Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ahna Madax weyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa dhanbaal tacsi ah u diray Qoyskii Qaraabadii iyo Guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay alle ha u  naxariistee Marxuun Deeq Cabdi Muxumed oo ahaa Abaanduulihii qaybta 12aad ee Ciidamada qaranka oo maanta lagu aasay xabaalaha naasa hablood .

Madaxweyne ku xigeeenka Somaliland waxa uu Eebbe uga baryay inuu marxuunka naxariistiisii Janno ugu deeqo Qoyskii Qaraabadii,Ciidamada Qaranka iyo Guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuunka waxaa aaskiisa ka qayb galay mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka waxaanay dhamaantoodba Illaahay uga baryeen inuu marxuunka naxariistiisii janno ugu deeqo.

SLpost News

Hargeysa, Somaliland