Ku Dhawaad Boqol Qof Oo Ku Nafwaayay Goob Ay Ku Qaraxday Gaasta Cuntada Lagu Karsado Nayjeeriya

Neyjeeriya(SLpost)-Dad ka badan 100 qof ayaa naftooda ku waayey qarax ka dhacay magaalada Nnewi ee Koonfurta dalka Neyjeeriya habeenimadii xalay, qaraxa ayaa ka dhacay goob dadku ka qaadanayeen Gaaska cuntada lagu kariyo.

Tirada Dhimashada saxda ah ayaan Boolisku ka hadlin waxaana ay ku gaabsadeen in ay ka badan yihiin 35 qof.Kooxda dabka la dagaalanta ayaa ku guuleystey in ay dabka demiyaan mar danbe, waxaana dadkii ku dhaawacmey loo qaadey Isbitaalka.

Dadka ayaa tan iyo subaxnimadii hore ee ee Khamiista safaf dhaadheer ugu jirey Wershadda si ay u helaan gaas ka hor inta aysan bilaaban ciidda Krismiska, iyada oo magaalada Nnewi ay ku badan yihiin dadka haysta diinta Kirishtaanka.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu sababay Gaari uu ku rarnaa Gaas kaas oo isaga oo aan la qaboojin dib loo dhaqaajiyey, iyada oo aan la xirin tuubada Gaaska sida warbaahinta AP ay qortey.

Sawiro goobta laga soo qaadey ayaa muujinaya dad jirkoodu gubtey oo maqaarkii kala siibtey isla markaana muuqaalkoodu is bedalay.