Ku dhawaad 200 shaqaale ka tirsan 14 hay’adood oo Dawladda ah oo maanta Imtixaan u fadhiistay

Hargeysa, 25 February 2012 (SLpost)-Boqol iyo sagaashan xubnood oo ka kala socday afar iyo toban ka mid ah hay’addaha dawladda, ayaa maanta u fadhiistay imtixaankii qiimaynta ahaa ee hay’adda shaqaalaha dawladdu ay ku qiimaynaysay shaqaale waynaha dawladda.

Waxa munaasibad loo sameeyey bilowga imtixaankani ka qaybgalay wasiirrada wasaaraddaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Horumarinta reer Miyiga, Gudoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, madax iyo masuuliyiin ka socday laamaha dawladda ee imtixaanka u fadhiisanayey.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Md Muxumed Aw-Cabdi oo madasha hadal dheer ka jeediyey ayaa ka waramay siyaasadda ay dawladdu ka leedahay imtixaanadani oo uu ku tilmaamay mid lagu qiimanayo dhammaanba shaqaalaha dawladda, isla markaana lagu ogaanayo tiradooda iyo tayadooda intaba.

Gudoomiyaha hay’adda shaqaaluhu waxa uu sheegay in boqol iyo sagaashanka xubnood ee maanta imtixaanka u fadhiistay ay ka mid yihiin laba boqol iyo labaatan hawlwadeen oo iyana maalinta berry ah qaybta hadhay laga qaadi doono imtixaanka qiimaynta ah.

Md Muxumed Aw-Cabdi waxa uu caddeeyey in qofkii ku dhaca imtixaanku aanu u haynin wax qiil ah, waxaanu u rejeeyey dhamaan ka qaybgalayaasha in Illaahay imtixaanka u fududeeyo.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Axmed Xaashi Oday oo sheegay in imtixaannada noocan ah muddooyinkii aynu soo dhaafnay ay hay’adda shaqaalaha dawladdu ay ku hawlanayd isla markaana ay tahay mid daruuri ah in la sameeyo si loo ogaado tayada qofka shaqaalaha ah, waxaanu Eebbe uga baryey inuuu ku guuleeyo imtixaanka.

SOMALILANDPOST NEWS

Khadar Jaamac

Hargeysa, Somaliland