Korodhka Tirada Dadka Caasimada Hargeisa ku Nool – W/Q: Cabditafaax

Sannadihii ugu danbeeyey waxaad dareemeysaa in si weyn Caasimada hargeisa Dadka ku nooli u sii kordheen.Korodhka tirada dadka Caasimada hargeisa ku nool wakhtigan Ayaa ah abid Markii taariikhda Hargeisa ay ugu dadka badneyd.in dadku bato isla markaasina Wadanku noqdo mid la mid ah Heerarka wadamada kale ee Caasimadahoodu ay saxmad dhaafeen dad badan ayey farxad gelineysaa,Hase ahaate su,aasha is weydiinta leh ayaa ah dadka Magaalada sidan u soo buux Dhaafiyey Ma wada Reer somaliland Ayaa Mise waa Ajahanib iyo Soomaalida kale.

Tirada Dadka Caasimada ku nool markasta oo ay sii Kordhaan Waxa ay Leedahay Faa,ido iyo Dhibaato is Huwan labadaba oo Midkasta sideeda looga Markhaati Kacaayo.Haddeynu ku horeyno Dhinaca Korodhka Iyo Taranka dadka Bulshada somaliland 20 kii Sanno ee wadanka dib loogu soo Noqdey waxaad si weyn u Arkeysaa in Dhashii la kowsatey Qaranimada somaliland Maanta madaxa la soo wada kaceen oo ay yihiin Dhiiga cusub iyo Jiilka cusub ee wadanku Yeelanaayo,Dhinaca kale dadkii Reer somaliland ee Qaxootiga ku maqnaa iyo kuwo badan oo Miyiga ku nool isla markaasina Kaalintaasi soo baneeyey Ayaa caasimada Hargeisa soo Beegsadey kana doorbidey Xoolihii iyo Beerihii.Waxa kale oo geestooda ka soo kordhaya Shacabka kale ee reer somaliland kana dal doorsanaya Goboladii ay u dhasheen caasimada Hargeisana doonaya in ay wax ku yeeshaan oo raba in ay deegaan ku noqdaan.Dad badan oo goboladoodii soo Cidleeyey Ayaa Dhul iyo Daaro ka jeexanaya Hargeisa.Waase Arin Mudnaanteeda iyo Farxadeeda leh in Tirada Shacabka Somaliland ay Noqoto Mid cudud leh oo Tarantey kana Muuqata Soomalida inteeda kale.

Marka laga tago Shacabka wadanka u dhasheyna waxa kale oo Somaliland si xawli ah ugu soo socda Soomalida kale oo Koonfureed oo aan Wax sharci ah ku Joogin,Dad badan oo soo galeyti ah oo Xaqooti ku dhex ah somaliland ama Wadanka aynu Jaarka nahey ee Ethiopia ka  soo daldoorsadey,Ajahanibka kale ee Shisheeye Ayaa iyaguna Tiro muuqata wadanka ku Jooga sida Carabta yemen,Masarida,Kenya,Asians qaarkood iwm.

Tirada Korodhka Dadku marka ay sii badanayaan Dhibaatadeeda Ayey leedahay,Waxa Saxmad gala isku socodoka iyo Gadiidka oo Dad tiro badani ay u baahan yihiin,Sida Basaska,Waaxda socdaalka Hawada oo Mashquul intii hore ka badan gasha,Jidadka iyo wadooyinka Ayaa la kala socon waaya sida dadkii oo meel ay maraan ku yaraato,baabuurtii oo Saxmad iyo Buuq Magaalada ku mara Maalinkasta,Taraafiga oo awoodi waaya Hirgelinta Nidaam Shaqo oo wado Maris saxmada ka hortagta.Maanta meel aad gaadhi dhigato Ayaan laheleynin oo Dad ayaa fadhiya ama socda ama Baabuur kale Ayaa taala Wadooyinka Dhexdooda,Waxaasina hore ugamey Jirin Hargeisa.

Xafiisaadkii iyo Adeegyadii Ayaa intoodii badneyd ay Mashquulyihiin oo Markaad gasho aad ugu tageysaa Dad tiro badan oo Sugeysa in loo Shaqeeyo,Balamihii Shaqo Ayaa batey Markii dadkii ay bateen oo sida la isku helo Ayaaba Yaraatey.Tirada Dadka Dugsiyada ku Jira ama Ka shaqeeya Ayaa si weyn u laba Jibaarantey oo Ku tuseysa Adeega Waxbarashada somaliland dadka hela inta ay leegyihiin.Dad aad beri hore wakhti badan is arki Jirteen Ayaanad mararka qaar Sannad arkeynin Arintaasi oo ka dhalatey Mashquulka iyo Shaqooyinka iyo Magaalada balaadhatey ama Fidey ee Kilomiterada badan dadku ay koonayaasha magaalada ku deegaameynayaan.

Inkasta oo Markasta oo dadku bataan ay dhalinayaan Xalaado amaan daro oo badan sida wakhtiganba Waaxda Amaanka dadweynaha ee Boolisku la daaladhacayaan Kiisas badan oo la xidhiidha Amaano xumo dhalinyari ka geystaan Xaafadaha qaarkood,haddana dadka badan ee soo kordhey waxa ay laba Jibaareen Shaqooyinkii ganacsi,Sariibadahaa Buuxa,Xafiisyada ayaa buuxa,Hudheelada Ayaa mashquul ah qeybta Jiifka iyo Cuntadaba,Dugsiyada wax laga baranaayo Ayaa helay Tiro badan oo Dad is qora,Gadiidka dadweynaha oo tiro badan Ayaa dadkii kala guri kari la oo weli ay ku yar yihiin.Wixii wadanka loo soo dhoofiyey iyo wixii warshadaha wadanku ay soo saareen ayaaa hore laga cuney ama iibsadey,Guryihii ayaa kiradii Meel sare u mareysaa,Hudheelada Jiifka ee caaasimada ayaa Si xawli ah u shaqeeya,Maqaaxiyaha Caasimada ayaa helay tiro badan oo dad soo Fadhi iyo shaah doontey.

iibkii Guryaha iyo dhulka Ayaa Tirada dadka badani kor u qaadey,Daawashada Televisionka iyo iibsiga Wargeysyada wararka ayaa iyaguna ka faa,idaya oo helaya Tiro badan oo dad ah oo ku xidhan Adeegooda,Ciyaaraha iyo is dhexgalka bulshada ama Fanka iyo suugaanta ayaa Muuqanaya marka dadku ay bataan.Saacadaha danbe wax kasta wey ka go,aan Magaalada sida Hudheelo badan oo aanad Cunto ugu tageynin ama Jaad yari la sheegaayo arimahaasina waxa sababey tirada badan ee dadka Caasimada ku soo kordhaya ama ku nool.

Isku soo wada Duub Hargeisa inkasta oo Deegaan ahaan dad ku abtirsadaan hadana waa Caasimada somaliland,Tirada dadka ku noolna Haddii ay intii hore ka soo bataan ama Somalilanderska kale gaar ahaan kuwo Qurbuhu ay u soo daldoorsadaan waa Mid aan cidna laga celin karin,Adeegkasta sida uu iyada u yaala Hargeisa/somaliland Ayaa qof kastaana rabaa in uu iyada ku noolaado ama u soo Tahriibayaa,Waxaase dhibaato ah in nolosha hargeisa ay markasta sii Qaaliyoobeyso.

Long Life Somalilanders.Destination Somaliland.

Hal Fikir ayaa Jira ah aynu Beegsano Hargeisa.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com