KOOXDA YAR EE WADANKA XUKUNTA WAXA QUDHA EE AY DHEGEYSATA WA SANQADHA LACAGTA

 

Shalay daalinkaan ridey

Dal baabu xukumaayee,

Qaar daaqi xoolaha

Dekeddiyo madaarki

Iyo dawladnimadii

Sariftaa ka daba yimid.(Taba taxan,abwaan gaarriye AHN)

Inti kulmiye la wareegey taladi wadanka waxa maalin walba lagu tumanaayay oo la jabinaaye shuruucdi dalka sida xeerki saxaafadda S/L, xorriyatal qawlki iyo xuquuq al insaa’nki muwaadinka,iyo tirarki S/L ku dhisneyd sida nabadda ,midnimada shacabka iyo cadaaladda .

Waxa la xalaaleystey musuq maasuqa iyo wixi S/L ka xaraantimeysna  waligeed, oo ah wada hadalka dawladda Somalia ee aan shacbkeedi dooran .Siyaasad xumadaas oo socotey shanti sannadood ee xukuumadda kulmiye ka talineysey wadanka S/L natijadeedina ay ku dhamaatey ictiraaf la’aan iyo beesha caalamka oo dhabarka
inno jeedisay marki ay inna fahmi waydey .     

Haddaba, markay waxaas oo dhan xukuumadda kulmiye  sameeyesey aya iminka oo lagu jiro muddo kordhin 22 bilood ah si badheedh ah oo gabasho iyo xishood la’ aan ah loo jeedsadey uruursi  hanti lacageed .Waxeynu hore u ogeyn in xukuumadda  kulmiye iibisey guryihi iyo dhulki danta guud , lacagtoodina ‘ aan la garanayan meeshey ku dhacdey .

Arrintaaso geyeeysisay xooggi dalka iyo madaxdi mustaqbalka oo ah dhalinyarada S/L iney tahriibaan qaar badanna naftooda ku waayaan saxaaraha  Sudan , Libiya iyo badda meditereneanka  markay waayeen shaqo iyo goobo ay ku ciyaaraan,taaso ka mid aheyd balanqaadyadi kulmiye iney dhalinyarada u abuuraan shaqo iyo goobo ay ku jimicsadaan  .

Waxeynu ogeyn oo kale in golaha wakiiladdu gaashaanka ku dhufteen sparadi loo dhigtey gaadiidka dadweynaha ka soo daga dekedda Berbera .Iyado marar badan la isku dayey in la kireeyo dekedda berbera ,maantana waxey mareysa in haamihi shidaalka iyado la marin nidaamki sharci sida hayada qandarasyaada, lagu wareejiyo dad gaar ah, taas oo xoojineysa tuhun ka la isla dhex maraayo suuqa in laga qadimtey lacag malaayiin dolaar .

Alla mahad leh,

Eng.Bashe Cabdi Gaboobe.

Email: gaboobe_3@hotmail.com