“Kooxda Kubadda Koleyga Ee IFTIN Ee Wasaaradda Wabarshadu Sannad Gudihii Ayay Guulo Badan Ku Gaadhay” Tabobare Abiib

Macallinka kooxda kubadda koleyga IFTIN ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Abiib Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee ay kooxdaasi soo martay, waxaanu xusay tabobaruhu in kooxda oo muddo sannad ah jirtay ay gaadhay guulo waaweyn oo la taaban karo.Abiib

Tabobare Abiib Maxamed Xasan waxa uu sheegay in kooxda kubadda koleyga ee wasaaradda waxbarashadu ay ku guulaysatay koobkii xuska 18-ka May ee sannadkii hore, isla markaana ay xilliga derajo ahaan la siman tahay, kooxaha Gaashaan iyo Asluubra oo tobaneeyo sanno jiray.

Tabobare Abiib waxa uu tilmaamay in kooxda IFTIN ay tayo ahaan dhisan tahay, isla markaana waxa uu mahad-naq ujeediyay wasiirka maaliyadda Samsam Cabdi Aaden oo uu sheegay inay aasaaskeeda lahayd xilligay ay ahayd wasiirka waxbarshada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ilaa haddana ay kooxda garab taagan tahay.

Tabobaraha kooxda kubadda koleyga IFTIN ee wasaaradda waxbarshada iyo tacliinta sare oo ugu horeyn ka hadlaya aasaaskii kooxda waxa uu yidhi. “Kooxda kubadda koleyga ee IFTIN ee wasaaradda waxbarashadu waxay jirtay muddo sannad ah, guulaha la taaban karo ee kooxdu gaadhayna waxa ka mid ah koobkan imika socda xuska 18-ka May ee sannadkii oo ay qaaday, labadii kooxood ee hore jiray Asluubta iyo Gaashaan way la siman yihiin, kuwaasoo jiray muddo dhawr iyo toban sannadood ah, kooxdayaduna ay jirtay muddo sannad ah oo keliya guushuna ay naga dhexayso.”

Macalinka kooxda IFTIN, oo ka hadlaya waxyaabaha ay koox ahaan hiigsanayaan waxa uu yidhi. “Waxyaabaha aanu hiigsanayno waxa ka mid ah inaanu noqono kooxaha ugu horeeya ee dhinaca kubadda koleyga, dhawaan markii ay Somaliland ka qayb galaysay wareeggii bariga iyo badhtamaha Afrika waxa kooxdayada ugu jiray todoba ciyaartoy, waxaanu ku han-weynahay inay ciyaartygayagu ay noqdaan tobanka ugu horeeya ee tartannada caalamiga ah ka qaybgalaya.”

Ugu dambayn waxa uu sheegay Abiib Maxamed Xasan inay koox ahaan uga mahad-naqayaan wasiirka wasaaradda maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aaden oo uu tilmaamay in hore iyo haddaba ay garab taagan tahay kooxda. “Runtii caawimada iyo wixii aanu u baahano dhamaantood waxa noo qabata Marwo Samsam Cabdi Aaden oo iyadu kooxdan alkuntay, waananu u mahad-naqaynaa wasiirka. Sidoo kale waxa aanu u mahad-naqaynaa Cabdixakiim Sanyare oo qayb weyn ku lahaa dhismihii kooxda, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa iyo Axmed Carab tabobarihii xulkii qaranka Soomaaliya.”

Somalilandpost.net