Kooxda Daacish Oo Askar Ka Tirsan Puntland Ku Gowracday Gobolka Bari

(SL.Post) Kooxda Daacish ayaa maydka seddex askari oo ka tirsan ciidamada Puntland soo dhigtay jidka dheer ee isku xidha degmada Qandala iyo Bosaaso ,waxaana sida la sheegay askartan ay ahayeen kuwa la gowracay.

Askartan ayaa ku jiray dad dhawaan kooxda Daacish ay ka afduubatay Qandala xilli ay ku soo jeedeen magaalada Bosaaso , waxaana adag in xog dhamaystrian laga helo sababaha keenay in askarta la bireeyo.

Dadka deegaanka oo aan xidhiidh la samaynay ayaa inoo sheegay in seddex-dan askari ay qayb ka ahaayeen askar ay dhawaan Puntland u dirtay Qandala si ay uga xoreeyeen kooxda Daacish oo muddo bil ah maamulaysay degmadaas.

“Walaal maydkooda waxaa la soo dhigay deegaanka Karin , dadku wali ma aqoonsan wajiyadooda balse waxa ay ku labisnaayeen dharka ciidanka “ ayuu yidhi Saxane Jaamac oo khadka Taleefanka ugu waramayay Hiiraan Online oo aanu warkan ka soo xiganay

Waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay la soo daristay cabsi badan oo ku aadan in kooxda Daacish ay qaad-do talaabooyin ka dhan ah cid walba oo horey maamulka ula soo  shaqaysay ,iyadoo wali degmada Qandala ay joogaan ciidamo ka tirsan Puntland.

Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga gobolka oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah-faahin ka bixiyaan dilka loo gaystay askarta ,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in ciidamo loo diray halka maydadka sedexdan qof la soo dhigay

Ugu danbayn ,kooxda Daacish ayaa wali gacanta ku haysa tiro kale oo ka tirsan ciidamada Puntland ,kuwaasi oo ku jiray 13 qof oo dhawaan kooxdu afduubatay ,lamana og in ay gowracayaan iyo in kale.

Somalilandpost.net