Kooxda Al-shabaab Oo Sheegtay Inay 30 Askari Oo Itoobiyaan Ah

Buurxakaba, (SLpost)- Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay dileen 30 ka tirsan ciidamada Itoobiya oo qayb ka ah hawl-galka Amisom, kuwaasoo marayay tuulada Jameeco oo qiyaastii 20 km dhinaca bari ka xigta magaalada Buurxakaba ee gobolka Bay.Al-shabaab

Iska horimaadka oo bilaabmay galinkii dambe ee shalay soona gaadhay maanta barqadii ayaa la isu adeegsaday hub culus, iyadoo dadka deegaanku sheegeen inay maqlayeen rasaas noocyo kala duwan ah oo tan iyo shalay si goos goos ah uga dhacaysay halkaas.

Sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa sheegay inay weerarkaasi ku dileen tobanaan ka tirsan ciidamada Amisom, kuna gubeen tiro gawaadhida dagaalka ah, welina ay isku hor fadhiyaan halkii uu dagaalku ka bilaabmay.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax war oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Amisom oo ku saabsan dagaalkaas.

Somalilandpsot.net