Koox Qawlasato ah oo Caawa Weerar ku Galalafay Xarunta Wargeyska Madaxa-bannaan ee Ogaal ku leeyahay Hargeysa iyo Ujeeddada lala xidhiidhiyey Duullaankooda

jaliyaddaHargeysa (SLpost)- Koox hubeysan ayaa caawa weerar ku qaadday Xarunta Wargeyska Ogaal ee Magaalada Hargeysa.isla markaana khasaare gaadhsiiyay qaar ka mida qalabka Wargeyska, waxaanay la dagaalameen qaar ka mida hawl-wadeennada ka hawl-gala xarunta Wargeyska Ogaal oo wakhtigaas goobta ku sugnaa.

Lama garanayo sababta ka danbeysay weerarkoodan, iyo waxa ay doonayeenba,hasa yeeshe waxay u muuqdeen rag abaabul oo ay ciddi soo adeegsatay, Nin lagu magacaabo Saleebaan Maxamed Saleebaan iyo Nin kale oo lagu magacaabo Xasan Fool oo hawl-wadeennada Wargeyska ka aqoonsadeen Kooxda Soo weerartay, ayaa markii ay xarunta galeen ku dhawaaqeyey isla markaana weydiiyey innamadii goobta ku sugnaa Cidda Tifaftiraha ka ah, sida ay sheegeen hawl-wadeennada Ogaal oo u warramay Somalilandpost.net

Saleebaan Maxamed Saleebaan oo kooxda ku jiray, ayaa markii ay soo galeen ku dhawaaqayey, weedho ay ka mid yihiin waa kuma Tifaftiraha Wargeyska Ogaal, bal car noo sheega?”, sidaa waxa yidhi mid Wariyaha u warramay Somalilandpost.

“Waxa uu nagu yidhi “Bal Car wakaase wax ka qora dawlada. Car waakaase wax qoraXirsi iyo ereyo kale oo ay isku dhadhan ahaayeen kuwaas,” ayuu Wariyuhu intaas ku daray hadalkiisa.

Waxa uu sidoo kale wariyuhu sheegay inay waydiiyeen Guddoomiyaha Wargeyska Muuse Faarax Jaambiir iyo Maareeyaha Wargeyska Cabdiweli Faarax Jaambiir oo iyagu aan wakhtigaas ku sugnayn Xarunta.

Sida ay sheegeen hawl-wadeennada Wargeysku, Kooxda Weerarka ahayd, ayaa galalafay Xafiisyada wargeyska iyaga oo dhaawacyo gaadhsiiyey qaybo ka mid ah qalabkii yaalay xarunta, waxaanay hanjabaad iyo cago-juglayn ah u geysteen Hawl-wadeennadii ku sugnaa xarunta oo uu ka mid yahay Tifaftiraha Wargeyskaas Cabdifataax Ismaaciil Caarshe.

“Waxay u hanbayeen, ‘Car wakaase dawlada wax a qor ILAAHAY ayaa nin ka dhigaye iyo ereyo kale oo ay ka mid ahaayeen hadaad laba lugood oo danbe is-daba dhigto,” sidaa waxa Somalilandpost u sheegay Cabdifataax Ismaaciil Kooxdani ugu hanjabtay inay waxyeello u geysan doonaan haddii uu Wargeysku wax ka qoro Xukuumadda, sida uu sheegay.

Sida ay sheegeen hawl-wadeennada ka hawl-gala Xarunta Wargeyska Ogaal, Kooxda weerarka ahayd, ayaa qaarkood gudaha u galeen xarunta halka qaarna ay taagnaayeen kedinka hore,, isla markaana ay hubaysnaayeen oo mid ka mid ahi uu sitay Baaskoolad.

Ninka labaad ee Wariyeyaasha ku sugnaa Xaruntu aqoonsadeen oo lagu magacaabo Xasan Fool, ayaa la sheegay inuu sidan kale sannadkii 2009-kii isaga iyo koox uu wato weerar ku soo qaadeen Xarunta Wargeyska, wakhtigaas oo sida la sheegay wasiirro ka tirsanaa Xukuumaddii Daahir Rayaale u adeegsadeen weerarka ay ku qaadeen Wargeyska.

Wargeyska Xukuumadda u xayiran ee Hubaal, ayaa sidan oo kale wakhti habeennimo ah waxa weerar badheedh ah ugu qaaday laba nin oo ka tirsan ciidamada Qaranka oo ku hubaysnaa baaskoolado iyo budhadh, waxaanay dhaawacyo u geysteen guddoomiyaha Wargeyskaas Maxamed Cabdi Jaamac (Calooley). Balse nasiib-wanaag, waxa lagu guulaystay in hawl-wadeennadii Wargeyska oo goobta ku sugnaa ay gacanta ku dhigaan mid ka mid ah labada nin ee duullaanka ku soo qaaday iyo hubkii uu sitay, halka kii kalena uu ka baxsaday. Waxaanay markii dambe u gacan-geliyeen ciidanka Booliska, balse markii uu muddo xidhnaa, isla markaana ayaa ninkaasna layska sii daayey, ka dib markii sida la sheegay la horgeeyey maxkamadda Ciidanka iyada oo aanay goobta ku sugnayn Dhibbaneyaashii weerarka loo geystay.

SOMALILANDPOST.NET