Koox Dabley ah oo Toogasho ku dilay Taliyihii Saldhigga Booliska degmada Xuddun

Laascaanood (SLpost)- Dabley hubaysan ayaa toogasho ku dilay Taliyihii Booliska Degmada Xudun ee gobolka Sool Allah ha u naxariistee Cismaan Cagoweyne xilli uu ku sugnaa Saldhigga Booliska ee degmadaas oo lagu soo weeraray.

Wararka aanu ka helayno gobolka Sool, ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhaawacmay Askari ka mid ahayaa Ciidamo Boolis ah oo Taliyaha la socday, kuwaas oo gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah kooxo maandooriyaha Khamriga ka ganacsata oo deegaanka ku sugan.

Wararku waxa ay intaas ku dareen in Kooxda Dableyda ahi ay weerar ku soo qaadeen Saldhigga booliska degmada Xuddun oo ay ku jireen qaar ka mid ah kuwa ka ganacsanayey Khamriga oo Ciidamada boolisku hawl-gal ku soo qab-qabteen.

Gobolka Sool ayaa ka mid ah deegaamada uu sida xad-dhaafka ah uga jiro ka-ganacsiga Maandooriyaha Khamriga oo gacanta ugu jira Shebekado isku xidhan oo maandooriyahan dalka ka soo geliya dhinaca hawdka ee xuduudka dalka Ethiopia oo ah waddanka ugu badan ee sida qarsoodiga ah looga soo waarido maandooriyeyaasha Khamriga, Xashiishadda iyo kuwo kale oo faro-baas ku haya bulshada, gaar ahaan da’yarta.

Somalilandpost.net