Koox Budhcad ah oo Gudaha Hargeysa ka afduubay Wiil Tagsiile ah oo ay Xadhig, Baadhasho, Tuuris iyo inay Gaadhigii ka kaxaystaan isugu daray

Hargeysa (SLpost)- Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo ah Wiil Tagsiile ah oo bishii iyo badhkii u dambeeyey gudaha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa kaga shaqaysanayey mid ka mid ah Tagaasida yar-yar ee Tagsi Raaxada iyo Gaadhi Dukhaanka-ba loo yaqaanno, ayaa ka badbaaday Afduub ay Koox Budhcad ahi kula kaceen 13-kii bishan aynu ku jirno oo ku beegnayd Sabtidii toddobaadkan, kuwaasoo buhabuhayn, xadhig iyo dhac kula kacay, isla markaana intay cidla ku xidh-xidheen magaaladooda koonaheeda xataa gaadhiga Tagsiga ah ee uu watay-na kaxaystay.

20140916_163036Budhcaddan Tagsiilaha Qafaashay oo tiradoodu ahayd saddex Nin, ayaa xilli illaa tobankii cawaysnimo ee Habeenkii Axaddu soo galaysay ee ay bishan September ahayd 13-ka, waxay joojiyeen Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo wata Tagsigiisa oo markaas marayey agagaarka Kaalinta Ina Gallan oo ku dhaw Saldhigga Booliska New Hargeysa (Rugta Kutubta), iyagoo iska dhigayey niman doonaya Tagsi ay raacaan, isla markaana intii aanay fuulinba gaadhiga waxay ka heshiiyeen saddexda Nin iyo Maxamed lacagta uu ku qaadayo iyo halka ay doonayaan, hase-yeeshee, markii la gaadhay goobta ay doonayeen markii ay gaadhiga fuulayeen, xaaladdu way iska beddeshay sidii lagu wada socday ama heshiiska lagu ahaa.

Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo ah Wiilkan Afduubka Mucjisada ku noqday ee wixii uu adduun Lacageed, Taleefannada Gacanta lagu qaato iyo Gaadhigiisiiba la kaxaystay, intay ku xidhxidheen goob ka baxsan Hargeysa oo ay la tageen iyo guud ahaan sidii ay wax ugu dheceenba waxa uu uga warramay Wargeyska Madaxa-bannaan ee Himilo.

“Waxaan watay Gaadhi kuwan yar-yar ee Raaxada ah (Tagaasida), dabadeedna Habeenkii bishan aynu ku jirno ee September 2014-ku ay ahayd 13-ka oo ku beegnayd habeenkii Axaddu soo galaysay, ayaa anigoo maraya halka Kaalinta Ina Gallan ee Xaafadda New Hargeysa waxa i joojiyey saddex Nin oo wada socda, waxay igu yidhaahdeen miyaad shaqaynaysaa? aniguna markaa waa sii hoyanayey oo dhinaca Xaafadda ayaan ku socday, ‘haaye halkeed doonaysaan’ baan ku idhi, waxay igu yidhaahdeen, ‘waxaannu doonaynaa halkaa Huteellada Ilma Shiraaqle iyo Kaah dhexdooda, ee immisaad nagu qaadaysaa?’ ‘Shan Doollar baan ku idhi’, ‘walaal hal naga daa oo afarta doollar naga qaad fadlan’, ‘hayee soo fuula’ baan ku idhi, sidaas bay igu raaceen.” ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo u warramayey Wargeyska Himilo mar uu shalay nagu soo booqday Xarunta guud ee Himilo Media Group ee magaalada Hargeysa.

Waxaanu Maxamed Cabdiraxmaan oo sharraxaadda sidii wax ugu dheceen ka sii wadaa uu yidhi; “Markii aan gaadhay meeshii ay yidhaahdeen waannu doonaynaa ee Huteel Shiraaqle baashiisa Bari, ayaan ku idhi waan soo gaadhnay halkaad rabteen, hayee hore u yar soco halkaas naga du, halkii baan ka duway, haddana waxay yidhaahdeen hore u yara soco, markaas baan shakiyey oo aan ku idhi hore u socon maayee, afarta doollarna iska haysta oo iga dega, kaa degi maynee soco, ma soconayo ayaan ku celiyey, dabadeedna saddexda nin oo mid kursiga hore fadhiyey, labana kuraasta dambe, ayaa kii kursiga hore fadhiyey waxa uu yidhi; ‘waar bilaaba hawsha’, kuwii dambaa isoo tiigsaday oo Baaskoolad iyo Middi Madaxa iga saaray, daaqadda fur oo dhulka u bood baan is-idhi, kuwii dambe mid ka mid ah baa igu soo xidhay. Markaa, inta laba dible Kursiga la iigu qabtay ayaa waxaan is-idhi waa Funaanad la igu xidhay, way isugu kay yimaaddeen, Madaxa iyo Indhahana way iga xidheen, Lugaha iyo Gacmahana way iga xidheen, Gaadhigiina iyagaa la wareegay markay i xidheen ka dib.”

“Dabadeedna aniga oo Maxbuus ahaan ugu xidhan oo ay gaadhiga i dhex-dhigteen bay meeshii ka dhaqaaqeen, qoortana hoos bay ii xidheen si aanan xataa laydhka u arag, way socdeen meel ay ila mareen ma garan karo, waxaanay ila tageen meesha la yidhaahdo Xidhka Meydka ee Masallaha Hargeysa marka la dhaafo (Koonfurta Hargeysa), sidaan markii dambe ogaaday, oo aanan markaas anigu garanayn halka ay tahay, Gaadhigii bay iga dejiyeen, waxay igu qabteen Baaskoolado iyo Middiyo ay siteen, waxa la igu yidhi is-baadh oo keen waxaad hayso, labaa Baadhis igu bilaabay,” ayuu yidhi Maxamed.

Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo ka warramaya siday baadhistaasi u sii wadeen saddexda Nin ee afduubay, xaddiga hantiyeed ee ay ka qaadeen iyo wixii sii xigay, waxa uu yidhi, “Markaa waxaan hayey Lacag Xaafaddu leedahay oo aan maanta oo kale soo qaaday oo Guri aannu Maxamed Mooge ka dhisannay la doonayey in loogu duceeyo iyo Biil Xaafaddu lahayd oo 350 (Saddex Boqol iyo Konton) Doollar ahayd, waxa kale oo aan sitay Labaatan doollar oo nin ii Adeer ahi Shaxaad ahaan ii siiey, Lacag Shilin Somaliland ah iyo Lacag Zaadka iigu jirtay oo intay Baaskoolad igu qabteen yidhaahdeen sheeg Lambarka Baaswaydhka Saadka oo aan sheegay oo illaa dhawr iyo labaatan Doollar noqonaysay, waxay iga qaateen illaa 397 (saddex boqol, sagaashan iyo toddoba Doollar) Lacag ah iyo laba Mobile (Taleefannada gacanta). Markaa, waxaan ku idhi, ‘Waar saaxiibbayaal saddexda Boqolna qaata inta kalena isiiya waxba idiinma raacee oo isii daaya, dabadeedna mid ka mid ah baa yidhi; ‘waar ninka u naxa oo boqol boqol uun innooga qaada xadhiggana ka dabciya yaanay waraabayaashu meesha ku cunine’, aammus baa lagu yidhi oo maqal amarka. Intaas ka dibna anigoo sidii gacmaha Madaxa, Indhaha iyo Lugaha uga xidhan bay bartii ay i fadhiisiyeen ee ay igu baadheen igaga soo dhaqaaqeen gaadhigaygiina kaxaysteen.”

“Dabadeed sidaan gacmaha oo i xidhan wixii wejiga iyo madaxa igaga xidhnaa ugu dhaqdhaqaajinayey baa indhihi ii furmeen oo Maradii aan iska qaaday, ka dib xadhkihiii gacmaha iyo cagaha igaga xidhnaa baan iska furay aniga oo cabsoonaya oo isle malaha meelahan bay kaa eeganayaan. Waxaan ku soo baraarugay iyadoo Ey fara badan dushayda taagan tahay. Markaan iska wada furay baan soo cararay aniga oo naxsan…markii ay iga sii dhaqaaqayeen waxay igu sii lahaayeen meeshaad joogtaa waa Waqooyiga Hargeysa ee Xeedho agteeda…, sidaan u soo cararayey baan arkay Laydh, waan soo beegsaday, Laydhkii ii baxayey markaan soo gaadhay waxay noqotay Xarunta Hay’adda UNICEF, anigoo weli naxsan baan Albaabka garaacay, dabadeedna Askartii ilaalinaysay Xafiiska ayaa iyagoo iga shakisan oo qoryuhu u cabbaysan yihiin mar wada furay albaabka, waar maxaad ahayd ee aad noogu garaacday albaabka ayay igu yidhaahdeen? Waan u sheegay waar nin la soo afduubay baan ahay oo meel cidla ah la igu tuuray inta la i xidhxidhay baan ka soo cararay ee Biyo i waraabiya.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Nuur.

Waxaanu isagoo ka sii warramaya wixii intaas xigay ee dhex-maray ilaalada xarunta UNICEF, uu yidhi; “Way i rumaysan waayeen oo waxay is-yidhaahdeen malaha waa nin sikhraansan. Laakiin, markii dambe ee ay i arkeen inaan naxsanahay oo aanan Sikhraan ahayn, qof waalanna aanan ahayn ee ay Biyihii i waraabiyeen ina rumaysteen ayay isoo raaciyeen laba Askari oo ay yidhaahdeen waar kaxeeya oo geeya Saldhigga Booliska Qandahaar, Saldhigga ayay i keeneen xilli afartii habeennimo iyo dheeraad ah, Taliyihii Saldhigga Booliska Qandahaar bay igu wareejiyeen, OB-ga (OOBBIIGA) ayuu i geeyey waxbaa la iga qoray, sidii wax iigu dheceen baan uga warramay, Subaxdii markii waagu beryeyna waxa lala hadlay Qoyskayaga Hooyo, Walaalahay iyo dad ehel ah baa halkii iigu yimi oo iga soo kexeeyey.”

Maxamed Cabdiraxmaan Nuur, oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey halka uu ku dambeeyey Gaadhigiisii Tagsiga (Nooca Dukhaanka loo yaqaanno) ee ay nimanka qafaashay ka kaxaysteen waxa uu yidhi; “Gaadhiga Subixiiba Booliska waan u sheegnay, Tagsiilayaasha oo dhan baa isu sheegay meeshii lagu arkaba halla qabto ayaa la yidhi, dabadeedna habeenkii iyo maalintii dambe iyo habeenkeedii markii uu maqnaa, ayaa Wiil Tagsiile ah oo Dekedda Berbera gaadhi kala soo baxay waxa uu arkay Gaadhigaygii oo meel waddada dhinaceeda ah oo kidinka Tuulada Haleeya (Kaantarroolka Bariga Hargeysa) la dhigay oo iska yaalla. Markaa, Wiilkaasi wuu ila soo hadlay wuxu yidhi; ‘Gaadhigaagi halkaas buu yaallaa, waannu doonnay, markaa gaadhigu wuu ka goostay, dabadeedna intay waddada ka leexiyeen ayay iskaga tageen. Waana Illaahay mahaddii kol haddaanay nimankaasi iddilin oo aan noolahay, Maansha Allaah waxa maqan Gaadhigaa ugu weynaa oo isagana Illaahay ka soo reeb.”

“Laakiin, waxaan weli ka cabsi qabaa waxay ila haystaan Furihii Gaadhiga oo ay qaateen, Furihii labaad baan sii sawirtay markii aan doonaynay, markaa welina Kaanshaddii maan beddelin, inta aanan beddelinna lama aammini karo oo dee haddaad Baarkin kaga tegto inay kaxaystaan waxba lama aha kol hadday furihii haystaan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo waraysi gaar ah Wargeyska Himilo la yeeshay shalay.

Waxa uu Maxamed sheegay inaanay illaa hadda jirin cid ay u soo qabteen Ciidammada Booliska Somaliland kiiskaas, Budhcadnimadaas, Boobkaas iyo Afduubkaa lagula kacay, balse waxa uu sheegay in weli ay laamaha Ammaanku ku hawlan yihiin baadhista iyo raadinta sidii kiiskaasi u dhacay.

Taliyaha Ciidammada Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan iyo Saraakiil kale oo Booliska ka tirsan oo ay ka mid yihiin Taliyeyaasha Saldhigga Qandahaar iyo qaar kale oo uu Wargeyska Himilo isku dayey bal inuu dhinacooda Kiiskan wax ka weydiinno, ayaanay noo suuragelin inaannu helno, ka dib markii ay qaarkood Taleefannadooda Gacanta naga qaban waayeen, qaarkoodna aannu la kulannay Taleefannadooda oo xidhan. Hase-yeeshee, dhacdooyinka Afduubka dadka waawayn iyo Carruurta, ayaa bilihii u dambeeyey ku soo badanayey magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, dhacdooyinkaas cusub oo aanay illaa hadda Ciidamada Boolisku soo bandhigin cid ay u qabteen iyo tallaabooyin ay qaadeen toona.