Koox adeegsanaysa Gaadhiga Wasiirka Daakhiliga oo Lix Saacadood Afduub u haystay Wariye ka tirsan Bahda Saxaafadda Somaliland

Lixda Saacadood ee ay Afduubka u haysteen, waxay isaga gudbeen Hargeysa, Arabsiyo ilaa tuulada Cadaroosh ee gobolka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Koox sheegatay inay ehel yihiin Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa afduubay Weriye Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare) oo ka hawlgali jiray Shabakadda Oodweynenews.com, Balse immika u shaqeeya Idaacadda Hirad, isla markaana leh Shabakadda Gacan-libaaxnews.com, kaasoo lagu Afduubay Gaadhiga Wasiirka illaa Tuulada Garabis oo ku taalla Koonfur-Galbeed ee magaalada Hargeysa.

Heersare_WarancadeNimankan Kooxda ah oo lix nin ahaa, ayaa Weriye Cabdishakuur-Heersare ku afduubay Gaadhi uu leeyahay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, isla markaana markii hore geeyey gurigiisa oo ay ku beddeleen Gaadhiga Lambarka dawladdu ku qoran yahay ee Wasiirka, kana kaxaysteen Gaadhi uu Wasiirku gaar u leeyahay, kuwaasoo Weriye Heersare la tegay Tuulada Garabis oo Koonfur-Galbeed kaga beegan magaalada Hargeysa, iyaga oo Arabsiyo iyo meelo kalena sii mariyey, sida uu Cabdishakuur-Heersare u xaqiijiyey Weriyeyaal ka tirsan Shabakadaha Wararka ee Aftahannews.com iyo Somalilandpost.net.

“Maanta markay saacaddu ahayd illaa 11:20 (koow iyo tobankii iyo labaatan daqiiqo) ee gelinkii hore ee Axadda maanta anigoo Xafiiska shaqada oo Xero-awr ku yaalla jooga ayuu qof iga soo wacay Taleefankayga gacanta, waan ka qabtay nin baa ila hadlay Ma Cabdishakuur Heersaraa buu i yidhi? Haa baan ku idhi, wuxu yidhi walaal waan ku garanayaa hawl baan kaaga baahanaye halkeen kuugu imaaddaa ee aad joogtaa, waxaan ku idhi bal isu kay sheeg oo waa kuma, markaan kuu imaaddaad caadi ii garan doontaa walaalo ee halkeen kuugu imaaddaa? Waxaan u tilmaamay Xafiiska. Dhawr jeer buu igu soo cel-celiyey, intii ay raadinayeen Xafiiska ayaa salaaddii Duhur la gaadhay oo aan Masaajidka tegay, intaan salaadda ku jiray ayay marar badan isoo waceen, dabadeedna waan yara shakiyey oo waxaan is-idhi, dadkan degdegsani maxay ahaayeen?” sidaa ayuu yidhi Cabdishakuur Heer-sare oo caawa Xafiiskooda Hargeysa ugu warramay Shabakadaha Wararka ee Somalilandpost.net iyo Aftahannews.com.

Waxaanu Weriye Heersare intaas ku sii daray oo yidhi; “Markaan salaadda Duhur ka soo baxay baan taleefanka ka qabtay, waxay yidhaahdeen waannagan halkaad noo tilmaantay ee waddada taagan, waxa markaa ii muquday Xaajiyad Laba-Shidhlay ah oo GT ah (Lambarka dawladdu ku xidhan yahay), haa bay yidhaahdeen, markaasaa dareen kale isii galay, waan u tegay, ahlan wasahlan soo fuul gaadhiga, waxaan ku idhi sooma fuulayo gaadhiga ee waxaad rabtaan ii sheega, mayee waa annagiiye soo fuul, dee idinka idinma garanayee waxaad ii rabtaan ii sheega, waxay igu yidhaahdeen haddaba Xafiiskaaga na gee, waxaan ku idhi Xafiiska shaqo ayaa ka socota ee waxaad u baahan tihiin aniga ii sheega, tiina dhawr jeer baannu isku qabsannay. Geed hoostii baannu tagnay, ii sheega baan ku idhi waxaad waddaan, Nimanku lix nin bay ahaayeen marka hore dhawr baa soo degay, markii dambana way ka soo wada degeen gaadhiga Darawalka mooyaane, nin baa Warqad ka soo saaray Jeebkiisa lagu soo daabacay Maqaal Oodweynenews lagu qoray oo Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde laga qoray, waxay yidhaahdeen soo Tifaftiraha Oodweynenews ma tihid?”

“Maya baan ku idhi, waxay yidhaahdeen soo kama shaqaysid? Maya ee hadda shaqo toos ah kama hayo. Waxay yidhaahdeen adigaa Tifaftire ka ah Oodweynenews, adigaana Maqaalkan qoray oo geliyey, adigaanannu kuu haysannaa, waar maan qorin ee cid kale ayaa qortay, markaasay yidhaahdeen ciddaa qortay noo gee ciddaasaannu dilaynaa-bee gaadhigana fuul. Markaa, waxaan isku dayayey inaan qanciyo, waxaan ku idhi gaadhiga fuuli maayee aan idinla soo hadlo, waar ha nala soo hadline fuul gaadhiga, dabadeedna mid ka mid ah nimankii ayaa intuu soo dhaqaaqay Tunka i qabtay oo i tukhaantukhiyey markaasuu yidhi; ‘ninkani waa mid dhago-adag-ba, intuu i tuuray buu yidhi’ ‘fuul gaadhiga haddaannu doonno kaw baannu kaaga siin doonnaaye, saacaddaa laga bilaabo Maxbuus baad tahay, waar hebeloow ka qaad taleefanka (Mobile-ka)’.” Sidaa ayuu yidhi Suxufigan la Afduubay Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare).

Heersare waxa uu sheegay in Guriga Wasiirka arrimaha gudaha ee magaalada Hargeysa la geeyey, waxaanu yidhi; “Intaa markuu yidhi; baa gaadhiga la isaaray, sidii nin dembi weyn galay oo kale ayaa hareeraha la igiiga fadhiistay oo la ii ilaalinayaa, waa la dhaqaaqay waxaannu tagnay Guriga Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ee magaalada Hargeysa, dabadeedna gaadhigii baannu ka degnay oo la xareeyey, aniga markaa nin baa i ilaalinaya, Xaajiyaddii Lambarka Dawladda (GT-du) ku xidhnaa ayaa la xareeyey Xaajiyad kale ayaa Guriga Wasiirka laga soo saaray, tiibaa la isaaray, oo sidiiyoo kale la iigu ilaaliyey.”

“Intaa waa lala soo hadlayaa oo waxa la soo hadlaya cid Wasiirka (Waran-cadde) ka ag-dhaw. Marka hore waxaan ku qanciyey haddaydaan aniga igu qancaynin ninkii Website-ka lahaa baa jooga ee isagaan idiin geyn; ‘waxay leeyihiin isagaannu dilaynaaye noo gee’. Markaa, New Hargeysa ayaan ku ogaa, dabadeedna waa lala soo hadlay Kaalin heblaayo taga oo Shidaal kaga shubta, huteel hebel ka qadeeya, halkaana Jaadka ka qaata ayaa loogu sheegay taleefan, intii bay sameeyeen, ninkii baa la igu yidhi la hadl, waan la hadlay, wuxu igu yidih; ‘Saaka waxaan u baxay Arabsiyo (Tuulo ku taalla Galbeedka dhaw ee magaalada Hargeysa).” ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

Waxaanu intaas ku ladhay; “Ninki Arabsiyo ayuu jiraa oo magaalada wuu ka baxay wuu soo noqonayaa ee anigu hawsha aan dhammeeyo oo aan la hadlo aniguna aan shaqadayda qabsado ee isii daaya, Waar ma yeelayno ee noogu gee Arabsiyo, ayay yidhaahdeen. Markaa, Anigu Maxbuus baan ahay oo isma dhaqaajin karo, waxay yidhaahdeen noo gee Arabsiyo ayaannu ugu tegaynaaye, soconnay, abbaaro 3:30-kii ayaannu tagnay Arabsiyo.”

“Markaannu Arabsiyo tegnay ayay Taleefanka ii dhiibeen oo yidhaahdeen la hadal, markaan la hadlay wuxu yidhi ninkii Oodweynenews lahaa; ‘waannu beddelnay safarkayagii oo waxaannu tagnay Garabis oo ah tuulo halkaas Koonfur ka xigta oo Hargeysana Koonfur-Galbeed ugu beegan, waar ninki halkaas buu qabtaye aniga igu daaya oo inna celiya ayaan idhi, way iga diideen oo waad naga baxsanaysaa bay yidhaahdeen ee noo gee, haddana waan dhaqaaqnay Garabis baannu ugu tagnay ninkii Shabakadda lahaa Shantii galabnimo oo buuro ah, ninki gaadhiga ayuu soo fuulay, waxay aniga igu lahaayeen Wasiirka ayaa idin raba oo aannu idiin geynaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Weriye Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse.

Waxa uu sheegay Heer-sare, in markaas Mulkiilihii Oodweynenews ay heleen ee ay wadahadleen ay beddeleen qorshihii ahaa Wasiirka ayaa idin doonaya, isla markaana markii uu mulkiiluhu u sheegay inuu qoraalkaasi ahaa aragti qof soo diray oo si qalad ah mid ka mid ah shaqaalaha Shabakaddu u baahiyey, ka dibna markii uu ogaaday uu la hadlay oo laga saaray Shabakadda oo aanu kuba jirin wakhtigan. “Waxaanay markaas ku doodeen in ay ku qanceen oo ay si ka dabacsan sidii ay ii wateen xaaladda ka dhigeen, waxaanay yidhaahdeen waxaad nala qaban kartaa nagala qabta hawshaas, ‘waaban ka saarnay’ buu ku yidhi; waxaanay yidhaahdeen adiguna hawshaada iska wado adigana halkaad doonayso ayaannu ku geynaynaa, sidii baannu ku soo noqonnay oo aannu caawa fiidkii ku soo galnay magaalada Hargeysa oo aan Suuqa Hargeysa kaga degay.” ayuu yidhi Heersare.

Mar la weydiiyey waxa uu ku caddayn karo in Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland afduubkiisan ka dambeeyey, waxa uu ku dooday inaan Baabuurta Wasiirka ee midkood lambarka dawladda leeyahay lagu qaateen oo aan gurigiisa lagu kala beddeleen, isla markaana aanu Askariga ilaalada Wasiirka ka mid ah ee Tuulo lagu magacaabaa u ballamiyeen kharashka iyo Shidaalka ay ku socdeen illaa Garabis.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare), waxa uu sheegay inay lixdaas nin xidhnaayeen Dharka shacabka, sheegeenna inay yihiin ehelada Wasiir Waran-cadde oo ay ka damqadeen waxa laga qoray oo ay sheegeen in lagu sheegay inuu ahaa Nabad-sugiddii Soomaaliya oo uu dad badan dhibaateeyey wakhtigaas, waxa waxan ku kallifayna yihiin damqashadaas. Waxaanu xusay in ay qaarkood u ekaayeen niman Sirdoon ama C.I.D ah, inkasta oo uu sheegay inaanu midna wejigiisa garanaynin kulankooda ka hor, balse haddii uu arko uu hadda wada garan karo lixdaas nin.

Waa markii u horreysay ee mid ka mid ah Suxufiyiinta Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland ka shaqaysa sidan oo kale Koox Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde soo abaabulay u afduubaan Weriye aan waxba galabsan. Iyada oo intii ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo jirtay Weriyeyaasha Madaxa-bannaan iyo Hay’adaha Warbaahineed ee madaxa-bannaani kala kulmeen Xukuumadda dhibaatooyin tiro badan oo isugu jira Tacaddiyo, Xadhig, Xayiraad, Xukun sharci-darro ah, cabbudhin, caga-juglayn iyo hanjabaad aan xaddidnayn, ayay noqonaysaa dhacdadani mid ku cusub Saxaafadda Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET