Kootaliga ugu weyn Kiristaanku Muxuu ku yidhi Fariintiisii Muslimiinta ku jihaysnayd?

Berlin, (SLpost)– Wadaadka u sareeyaha mad-habka Kaatoliga ee Diinta Kiristaan Pop Benedict XVI oo socdaal ku maraya dalka Jarmalka ayaa maanta oo jimce ah kulan la yeeshay culimada Diinta Islaamka ee fadhigoodu yahay dalka Jarmalka waxaanu halkaa ka akhriyay khudbad waano iyo baaq toos ugu waajahn dadka islaamka ah xambaarsanayd.
Boob Benedict-ka lix iyo tobnaan oo khamiistii kulan la yeeshay wadaaddada Yuhuuda ee dalka Jarmalka waxa uu ugu baaqay Muslimiinta in ay ixtiraamaan diimaha kale, isla markaana ilaaliyaan wada noolaanshaha adoomaha Alle ee dunida ku wada dhaqan.
Pope Benedict XVI waxa uu sheegay in kaniisadoodu xaqdhawrayso adoomaha caalamka ku dhaqan iyo xaqa ay u leeyihiin aamisanaanta diinta iyo Mad-habta ay rabaan, waxaanu isagoo arrimahaa ka hadlaya uu yidhi, “Kaniisadayadu waxay ku dhaqmaysaa oo ka go’an ixtiraamka adoomaha ee diintooda.” Ayuu yidhi Benedict XVI
Boobka ugu sareeya kaniisada Kaatoligu waxa uu Muslimiinta ugu baaqay inay ixtiraam la mid ah ka kaniisadoodu u hayso aadamiga iyo waxa ay aaminsan yihiin dhinacooda laga helo, isagoo intaa ku daray in aan la kala faquuqin adoomaha Alle waa sida uu hadalka u dhigaye.
Boobka oo isku soo dhawaanshaha Muslimiinta iyo Kiristaanka ka hadlayay ayaa sheegay inay tahay mid lagama maarmaan ah, waxaanu xusay in si loo hirgaliyo ay taa dhaqaajin karaan culimada iyo dadka diimaha ka masuulka ah, sidoo kale waxa uu tilmaamay in is jacayl loo badalo colaada iyo kala fogaanta.
Wadaadka ugu sareeya diinta Kiristaanku waxa uu tusaale u soo qaatay qoys aabe, Hooyo iyo caruurtoodi ka kooban oo kale in aadamigu yahay, markaa sida hooyada iyo aabuhu u tixgaliyaan rabitaanka iyo wanaaga ubadkooda looga bahan yahay culimada iyo wadaadada diimuhu inay isku tix galiyaan gaar ahaan kuwa islaamka iyo kiristaanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net