Koonfur Afrika Oo Loogu Baaqay Inay Xidho Cumar Al-bashiir Oo Shir Kaga Qayb-galaya Johannesburg

Johannesburg, (SLpost)- Dawladda Koonfur Afrika ayaa waxa cadaadis lagu saarayaa inay xidho madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, kaasoo la sheegay inuu u safray magaalada Johannesburg ka hor shirweynaha 25-aad ee Midawga Afrika.Afrika

Madaxweyne Al-Bashiir ayaa waxa uu wajahayaa eedo dembiya dagaal oo ay ku soo oogtay Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyada ee Hague, waxaanu ka mid yahay dadka la tuhunsan yahay ee ay baadigoobayso maxkamaddaas.

Waxaa lagu eedeeyey inuu galay dembiyo dagaal, qaar ka dhan ah bani’aadminimada, iyo xasuuq ka dhan ah dadka gobolka Darfur.

Laba ruqsadood oo lagu soo qabanayo ayey maxkamaddu soo saartay, laakiin ICC, malaha ciidan boolis oo u gaar ah, waxay ku tiirsan tahay dalalka xubnaha ka ah inay iyagu xadhigga sameeyaan oo ay qofka la tuhunsan yahay u soo gacan galiyaan maxkamadda. Sidaa darteedna, Koofur Afrika ka xubin ahaan waxa uu waajib ka saaran yahay inay qabato Cumar Al-Bashiir, haddii uu cago soo dhigo waddanka.

Guddoomiyaha golaha waddamada ICC, Sidiki Kaba, ayaa muujiyey walaac weyn cawaaqibka ka dhalan kara haddii Koofur Afrika diiddo inay u hogaansanto wax uu ku tilmaamay waajibka caalamiga ah ee ka saaran inay xidhaan Al-Bashiir.

Midawga Afrika ayaa hore u diiday inuu iskaashi kala sameeyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada, isagoo ku eedeeyey inay ka eexato hogaamiyeyaasha Afrikaanka ah.

Somalilandpos.net