Koonfur Afrika Oo Shaki Galisay Joogitaanka Al-bashiir Ee Johannesburg Iyo Mareykanka Oo Qabashadiisa Ku Baaqay

Johannesburg, (SLpost)-  Maxkamad ku taalla Koonfur Afrika ayaa kordhisay amar madaxweynaha Suudaan ka mamnuucaya inuu dalkaasi ka baxo.Suudaan

Cumar Al-Bashir ayaa Koonfur Afrika kaga qayb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika.

Maxkamadda ayaa maanta la filayaa in ay dhageysato dacwad la xidhiidha in madaxweyne Al-Bashir loo dhiibi karo maxkamada dembiyada caalamiga ah (ICC) oo u haysata dacwada ah in uu geystay dembiyo dagaal iyo xasuuq.

Maxkamada ICC ayaa laba jeer oo hore jartay warqadii lagu soo xidhi lahaa madaxweyne Al-Bashir, waxaana hadda Koonfur Afrika ay ka doonaysaa inay u qabato.

Waaxda cadaallada ee Koonfur Afrika ayaa arrintaasi ka horjeeda, iyadoo la filayo in qareennada dawladdu ay maxkamada sare u sheegaan in madaxweyne Al-Bashir loo ogolaado inuu dalkiisa ku laabto.

Qareennada ayaa sidoo kale la filayaa inay ku doodaan in madaxweynaha Suudan uu Johannesburg ku joogo martiqaad uu ka helay Midowga Afrika, oo aanay casuumin dawladda Koonfur Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Suudaan, Ibrahim al-Ghandour, ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweyne Al-Bashir uu shirka ka dib Suudaan ku laaban doono.

Koonfur Afrika oo martigelinaysa shir madaxeedka Midowga Afrika, ayaa waxaa soo waajahay xiisad diblomaasiyadeed, oo haddii uu Al-Bashir dalkaasi ka baxo ka hor go’aanka maxkamada, waxay taasi keenaysaa in cid uun loo qabsado ku jeesjeesida maxkamadda.

Dhinaca kale, Mareykanka ayaa ku biirey wadamada ku baaqaya in ay Koonfur Afrika ay  xidho madaxweynaha Suudan Cumar Xasan AL-BAshiir,

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibada  John Kirby ayaa sheegay in inkastoo Mareykanku aanu qayb ka ahayn waddamadii saxeexay Cahdigii Roma ee maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC, haddana ay si weyn u taageerayaan in qof walba lagula xisaabtamo  dembiyada xasuuq iyo kuwa dagaal ee uu galo.

Somalilandpost.net