Koomishanka Xuquuqal-iinsaanka oo ka warramay Saamaynta ay ku leeyihiin Dacwadaha Maxkamadaha

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Koomishanka xuququl-iisaanka Qaranka Md. Liibaan Ismaaciil Axmed ayaa warramay kaalinta ay hay’addoodu ku leedahay Kiisaska dacwadaha ay muwaadiniintu ka furtaan Maxkamadaha dalka isaga oo sheegay in ay koomishan ahaan inta badan ka shaqeeyaan xaquuqdiisa meel lagaga dhacay isla ay door-wayn ku leeyihiin Maxkamadaha dalka intay socoto dacwadaha oo ay dhagaystaan.

Md. Liibaan Ismaaciil Axmed waxa kale oo uu sheegay in marka ay dagaystaan dacwada ee ay u arkaan inay tahay qalad meel lagaga dhaca xaquuqal-iisaanka ay waraaq qoraan ku dalbanayaan in arrintaas laga joogo, isaga oo ka hadlaaya waxyaabaha ay qabtaan waxa uu yidhi.  “Waxa inta badan aanu ka shaqayno ee aanu ku dabajirno koomishan ahaan, waxaanu leenahay Arji nambar oo la yidhaahdo Sagaal(9) ama xeer la yidhaahdo nambar sagaal iyo sodon (39), oo awoodaha  iyo waajibaadka koomishanka qayaxaaya. waxaanu Maxkamadaha ku leenahay doorway oo intay socoto dacwada inaanu korka ka dhagaysano. Kadib wixii aanu u aragno inuu keenayo xaquuqul aada’ma ahaan in qofkii xaquuq ahaan la garabmaray inaanu waraaq  u qorno  oo ah  maya  ama haa iyo  inaanu Warbaahnita ka hadalno oo la xidiihno cidda aanu shaqada la leenahay oo waajibaadka nasaaran ayaa ah. Iyaguna jawaab ayey ka soo bixiyaan. Marka afraad ayaanu si toosa ugu gudbinaa laamaha kala duwan ee ay shaqada la leeyihiin in kiiskaas dhacay ee isaga ah aanu ku salaysnayn xuquuqal aadame ahaan iyo in qofkaasi uu xuquuqdisii si saxa u helay,”ayuu yidhi Md. Liibaan Ismaaciil Axmed mar uu shalay warbaahinta Xafiiskiisa ugu warramayey.

Md. Liibaan Ismaaciil Axmed isaga oo dhiirrigelinaya in qofku la xidhiidho hay’adaha ku shaqada leh haddii uu u baqdo Xuquuqdiisa aasaasiga ah.“Qof walba markuu arko in xaquuqdisii aasaasiga ahayd ee Illahay Kitaabkiisa ku sheegay ay hallaabayso waa inuu meesha wax looga qaban-karro uu tago,” ayuu Guddoomiye ku-xigeenku raaciyey hadalkiisa.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net