Koob Bun Ah Oo Aad Maalin Kasta Cabtaa Waxa Uu Yareeyaa Khatarta Kansarka Midhicirada Weyn

 

Washington (SLpost)- Cilmibaadhis ballaadhan oo dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfurtay in cabbitaanka ee maalinlaha ahi ay yarayso khatarta ah in qofka uu ku dhaca kansarka noociisa midhicirada weyn ku dhaca, isla markaana waxa uu kordhiyaha fursadaha lagaga bogsan karo cudurkan. Sahamin lagu sameeyey dad uu cudurkani hayo oo bun cabbay ayaa lagu ogaaday in bunku uu raad muuqda ku yeeshay caafimaadkooda oo si muuqda uu boqolkiiba 42 yareeyey khatarta kansarka.

Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda Journal of Clinical Oncology ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa iftiimisay in bunku uu ka qayb qaadan karo ka hortagga noocyo dhowr ah oo ka mid ah kansarka, gaar ahaan ka ku dhaca beerka, naasaha, maqaarka iyo qanjidhka taranta ee ragga oo afka qalaad Prostate lagu yidhaahdo.

Xeeldheerayaasha cilmibaadhistan sameeyey waxa kale oo ay ogaadeen in cabbitaanka bunku ay sidoo kale yarayso khatarta ah in qofka uu ku dhaco cudurka macaanka noociisa labaad.

Dhinaca kalana waxa ay cilmibaadhayaashu caddeeyeen in sababta la og yahay ee bunku uu uga hortago xanuunnadan ama u yareeyo fursadaha soo noqoshadoodu ay tahay maadadda Caffeine ee ku jirta. Balse waxaa jira dadaallo  badan oo ay weli cilmibaadhayaashu ugu jiraan in ay si qoto dheer u sii baadhaan sababaha caafimaad eek u jiri kara maaddooyinka kala duwan ee bunku guud ahaan ka kooban yahay.

Xigasho Geeska Afrika