Kongareeska Maraykan oo ka Doodaya Heshiiska Nukliyeerka Iran

 

Us(SLpost)-Heshiiska caalamiga ah ee Nukliyeerka ee laga galay Iran ayaa la horgeyn doonaa Kongareeska Mareykanka marka ay mudanayaasha ka soo noqdaan fasax muddo bil ka badan ay ku jiraan todobaadka soo socda.

Mudanayaasha ayaa lagu wadaa in durba ay guda galaan ka doodista heshiiskan oo saameyn weyn ku leh amaanka dunida iyo kan Mareykankaba.

FF40CC8E-8092-47FC-92C1-ECA8D2B9AC65_w268_r1_cx0_cy3_cw0

Madaxweyne Barack Obama ayaa taageero ku fulan heshiiskan uga helay xubnaha xisbiga Dimuquraadiga uga jira Congresska, oo ku taageeray inuu awoodiisa adeegsado, laakiin ma heysto tiro ku filan oo uu kaga hor joogsan karro heshiiskan in xafiiska uu ku soo noqdo oo uu u adeegsado codka diidmada qayaxan hadii la hor istaago.

Xubnaha Xisbiga Jamhuuriga ee ku tirada badan labada Aqal ayaa mar kale ku celiyay inay hor istaagi doonaan heshiiskan, laakiin horistaagistooda ayaa u baahnaaneysa inay mar kale awood u yeeshaan inay jebiyaan codka diidmada Qayaxan ee Obama uu adeegsan doono.

Xubnaha xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku dhawaaqay inay Obama ku taageeri doonaan in codkiisa diidmada uu fullo.Madaxweyne Obama ayaa hadda la aaminsanyahay inuu heysto taageerada rasmiga ah ee 34 mudanayaasha Dimuquraadiga ah.