Komishanka Xakamaynta HIV/AIDs oo been abuur ku tilmaamay war la baahiyay

Maxamed Daahir Kheyre

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Fulinta Komishanka Xakamaynta Cudurka HIV/AIDs ayaa been abuur ku tilmaamay war ku soo baxay wargeyksa madaxa bannaan ee Waaheen kaas oo sheegayay in hay’addan qaranka u xilsaaran xakamaynta aafada HIV/AIDs ka gaabiyay kaalintisii waxqabad.

Maxamed Daahir Kheyre

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Komishanka Mr. Maxamed Daahir Kheyre oo lagu beeninayo warkaas wargeysku qoray oo nuqul ka mid ah la soo gaadhsiiyay SomalilandPost ayaa u dhignaa sidan:- “Anigoo tixraacaya maqaal ku soo baxay wargeyska Waaheen maalintii Khamiistii hore ee taariikhdu ahayd 11/08/2011, cinwaankiisuna ahaa “Komishanka AID-ka oo fasaxay Kondhamka iyo Itoobiya oo dhinaca Somaliland u soo mustaafurisay dad fidinaya HIV/AIDS,” isla markaana wax ka sheegay culimada shafarta leh ee Somaliland.

Ugu horreyn, waxaan ka raalligelinayaa dadweynaha, culimaa’udiinka iyo cid kastoo ka xumaatay maqaalka ku soo baxay wargeyska WAAHEEN oo ahaa hadal la dhalan-rogay, kana fog xaqiiqda dhabta ah.

Komishanka xakamaynta AIDS-ka ee dawladda Itoobiya iyo dawladaha kale ee aannu jaarka nahayba waxa naga dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo ku saabsan dawaynta iyo ka hortagga HIV/AIDS-ka, taas oo aannu ka wada shaqayno xuduudaha aynu wadaagno dawladaha jaarka, sidaa darteed ma jirto cid cudurka qabta loo soo mustaafuriyey dalkeenna.

Culimada Somaliland iyo komishanka xakamaynta HIV/AIDs-ka  waxaa ka dhaxeeya wada shaqayn iyo xidhiidh wanaagsan, taas oo culimaa’udiinkeena aan looga maarmayn kaalintooda wacyigelineed ee bulshada Somaliland.

Wargeyska Waaheen iyo dhammaan saxaafadda Somaliland waxaan kula talinaynaa inay ka qaybqataan barnaamijyada wacyigelineed ee ku saabsan hakinta cudurka HIV/AIDS-ka ee waxtarka u leh bulshada reer Somaliland.

Alla Mahad leh

Maxamed Dahir Kaire

Agaasimaha Fulinta

Komishanka Qaranka ee Xakamynta AIDS-ka”