Komishanka doorashooyinka Somaliland oo Qabtay cod bixin Tijaabo ah oo la xidhiidha Goleyaasha Deegaanka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka doorashooyinka qaranka ayaa maanta xaruntooda ku sameeyay codbixinta doorasho tijaabo ah oo ay ka qeyb galeen 200 oo qof oo laga soo kala dhex xulay qeybaha kala duwan ee bulshadda Hargeysa, si ay sawir uga qaataan culayska ay codbixinta doorashada Goleyaasha deegaanku ay ku yeelan karto codbixiyeyaasha kala dooranaya murashaxiinta tiradda badan ee ka qeyb galaysa doorashadaasi.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Md. Maxamed Axmed Xirsi oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Komishanka doorashooyinka ayaa tafaasiil ka bixiyay ujeedada ay tijaabadan u qaadeen, waxaanu halkaasi ka akhriyay war-saxaafadeed u dhignaa sidan:-

“Ka dib markii sharciga laga soo saaray in si toos ah loo doorto musharixiinta Goleyaasha Deegaanka (open List), waxa badatay tiradda dadka la dooranayo oo magacyadooda lagu soo dari doono warqadda codbixinta.
Gudidda doorashooyinka qaranku iyagoo arrimahaas ka baaraan-degaya waxay goosteen in maalin goob tijaabo ah la sameeyo doorasho.

Laba Boqol oo qof ayaa tijaabadda doorashadda geli doona, waxaanay ka koobnaan doonaan dad waayeel ah, dhalinyaro, dad wax akhriyi kara iyo dad aan waxba akhriyi Karin iskuguna dhafan Rag iyo Dumarba.
Gudidda doorashooyinka qaranku waxay nidaamkan u samaysay si loo helo sawir dhab ah oo ka turjumaya bulshadda Somaliland noocyadeeda kala duwan.

Sababaha Gudidda doorashooyinka qaranku ugu baahdeen maalinta doorashadda tijaabadda ahina waa in si mug leh looga baaraan-dego baaxadda hawl-gal ee codayntu yeelan doonto xiliga doorashadda deegaanka ee fooda inagu soo haysa, ahana markii u horeysay ee si toos ah loo soo dooranayo Xildhibaanadda Golaha deegaanka, oo tiradda murashaxiintu aad u badan tahay.

Waxa kale oo Gudidda doorashooyinka qaranku goosteen in loo adeegsado doorashadan tijaabadda ah wacyi-gelin caam ah oo bulshadda rayidka ah, ururadda iyo xisbiyadda siyaasaduna la socdaan, kana qeyb qaataan hanaanka cusub ee doorashaddu u dhacayso.”

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa kale oo uu shir jaraa’id ku sheegay inay bedeleen nidaamkii hore ee ay murashax kasta uu lahaa astaan u gaar ah oo ay siiyeen murashax kasta lambar u gaar ah.
Afhayeenku wuxuu tilmaamay in dadkii ay soo codbixiyeyaashii ay soo marti qaadeen ay jireen qaar saxay codbixintii tijaabadda ahayd, halka qaar kalena ay saxeen. Waxaanu tilmaamay in doorashada Goleyaasha deegaanka ee fooda inagu soo haysa ka hor dadweynaha la siin doono waxyi gelin badan oo ku wajahan qaabka ay u codaynayaan iyo inay xasuustaan lambarka murashixiinta ay doonayaan inay codkooda siiyaan.

Waxa kale oo codbixintan tijaabadda ah goob joog ka ahaa wakiilo ka socday xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda ee ka qeyb galaya tartanka doorashadda goleyaasha deegaanka.

Maxamed Cabdi Aadan (Indho)

indho145@hotmail.com

Somalilandpost.net/Hargeysa