Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka Hadlay u Diyaargarawga Doorashada

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sharaxay hawlaha doorashada ee ay abaabulkeeda gacanta ku hayaan. Wuxuu sheegay in wakhti dhaw la bilaabi doono balse aanu cayimin ay gobolka Togdheer  ka bilaabi doonaan diwaangalinta codbixiyeyaasha.

Komishanka oo muddo sanad ku siman xilka hayay waxay sheegeen inay hawlo badani u qabsoomeen, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay in dhaqaale ku filan loo helo doorashada. Waxa uu sheegay in dalalka caawiya Somaliland laga filayo inay soo daayaan lacagta ay ugu talo galeen doorashada.

Waxa uu sidoo kale ku dooday in laga waantoobo dhaliilaha loo jeedinayo guddida doorashada, isagoo ku dooday inay jiraan dad dano shakhsi ah oo ay komishanka ka waayeen u mucaaradaya.

Isaga oo arrimahaa ka hadlaya guddoomiyuhu waxa uu yidhi “Sidaad la socotaan, waxaanu mudaba ku soo guda jirnay hawshii diiwangelinta codbixiyayaasha oo ah shaqo aad u baaxad weyn dal yar oo sideena oo kale ah ay ku noqon karto culays dhaqaale iyo mid farsamaba. Hasa yeeshe hadii aynu ilaahay la kaashano, gacmahana is qabsano waa mid aynu ka bixi karno.

Nidaamka doorashooyinka iyo diiwaangelintu caalamka oo dhan marka la eegayo ma aha mid ay ka maqan yihiin caqabado.

Sidaad la socoteen caqabadaha waxa ugu weyn oo in dhawaalaba aad maqalayseen inay jirtay mid dhaqaale. Waxaan maanta halkan idiinku cadaynaynaa caqabadahaas dhaqaale in maanta intii ugu badnayana la xaliyay oo laga gudbay.

Hasa yeeshee,  loo baahan yahay in hawshan baaxada leh loo galo si qarankuguud ahaan isu barbar taago loona sameeyo gunti giijis dhaqaale; si waxa yar ee aynu haysana inuugu filnaada una gaadhno ujeedadeena.

Guud ahaana waxaan ka codsanaynaa madaxda qaranka, haday tahay xisbiyada, dawladda iyo shicibkana inay kaalintooda ka soo baxaan si aynu u suuro gelino qabsoomida diiwaangelin, hufan, xor, xalaal ah oo noqotana taabo gal.

Sidaan horaba indiinku sheegay hada waxaanu gudagalaynaa diyaargarowga Diiwaangelintii Gobolka Koowaad oo sidaad ogtihiin ah Gobolka Togdheer, Waxa ilaahay mahadi ah inay noo suro galashay inaanu soo dhamaystirno dhamaan qalabkii iyo agabkii lagag hawlgeli lahaa diiwaangelinta.

Waxa kale oo aanu dhamaystiraynaa heshiisyadii gaadiidka ka hawlgeli lahaa diiwaangelinta

Isgaadhsiintii goobaha diiwaangelinta (oo noqon doonta nidaam ku shaqeeya Online ama Internet oo qof kasta markiiba qabanaysa haduu isku dayo inuu ku noqdo, taas oo hore loo tijaabiyay kana qayb galeen Xisbiyada, Ururada bushada iyo dadweyne badaniba, noqtayna mid lagu guulaystay)

Iminkan waxaanu gacanta ku haynaa shaqaalihii ka hawlgeli lahaa goobaha diiwaangelinta oo imtaxaan laga qaadi doono si loo hubiyo inay aqoontii iyo xirfadii looga baahnaa leeyihiin hadhowna waxa la siin doonaa tababar , arintaas oo aannu la kaashanayno Jaamacaddaha dawliga ah.

Mararka qaar way jiraan dad si gaar ah wax u doonaayay ay oo waxay rabeen wayay inay si khaldan wax u sheegaan taas oo laaqin ku ah qaranka.

Sidoo kale waxa dhacda In inyar oo kamid ah saxaafaddu ay tushuush ku furaan diiwaangelinta

Waxa ilaahay mahadii ah in sanad kadib iyagoo KDQ ku hawlgalaayay gadiid kiro ah in ay hadda soo gaadheen gadiidka KDQ oo ah kuwo qaranku leeyahay looguna talo galay inay ka hawlgalaan diiwaangelinta iyo Doorashooyinka.

Lacagta Gadiidka lagu soo iibiyayna waa lacag ka soo xarootay gadiidkii KDQ hore u lahaa oo la iibiyay iyo lacag uu ku kabay Madaxwyenaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana waxa laga naxo ah in la sheego in KDQ dayn lagu leeyahay, maxaa lagu yeeshay shaqadiiba may bilaabmine.

Anagoo dhawaan soo dayn doona waxqabadkii komishanka doorashooyinka oo intan ka faahfaahsan insha allah

Waxaan jelaan lahaa ;-

Inaan ka codsado dhammaan Xukuumadda, Golayaasha Qaranka,  Xisbiyada,  Bulshada, Culimada, Aqoonyahanka, Dhalinyarta, Haweenka iyo Bahda cadaaladaba in loo bahan yahay in gacan buuxda lagu siiyo shaqadooda dhammaan hawlawadeenada KDQ ee Heer Qaran, Gobol, Degmo iyo Goobeedba, si ay u gutaan waajibadkooda qaran lagana ilaaliyo waxa kasta oo ku keeni kara hagardaamo hawshan qaran ee ay gacanta ku hayaan.

Waxaan u mahad naqaynaa wada shaqaynta fiican ee naga dhaxaysa, Xukuumadda, Xibsiyada, Ururada Bulshada, Saxaafadda, iyo Beesha Caalamkaba” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Guddoomiye Cabdiqaadir.

Somalilandpost.net

Hargeysa Somaliland

https://youtu.be/2rNChKSNgIQ