Komishanka Doorashooyinka oo muddeeyey Diiwaaangelinta Codbixiyayaasha, kana gaabsaday Dibu-dhac ku yimaadda Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadlay Arrimaha Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha, iyagoo shaaciyey xilli rasmi ah oo diiwaangelintaasi bilaabmi doonto iyo Muddada ay ku dhamaytiri doonaan.

Guddida oo Xafiiskooda Hargeysa shir Jaraa’id ku qabtay maanta, ayaa diiday inay ka Hadlaan Arrimaha Doorashooyinka oo si weyn loo sugayo, waxana ay taas beddelkeeda iclaamiyeen Xilliga ay qabanayaan Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo loo baahan yahay samaynteeda inta aan doorasho la qaban.

Afhayeen Siciid Cali Muuse waxa uu faahfaahiyey Caqabado Dhawr oo ah Guddida Soo Maray, kuwaas oo keenay in Diiwaangelinta Codbixiya-yaashu dib u dhacdo, waxaanu sheegay inay kulamo kala dambeeyey la qaateen Madaxda Axsaabta, Madaxweynaha, Deeqbixiya-yaasha iyo Dadka kale ee Arrimaha ku shaqada leh, waxana natiijadii kasoo baxday ay noqotay in la bilaabo Diiwaangelita Codbixiya-yaasha oo muddo dheer qaadan doonta,

HALKAN KA DAAWO