Komishanka Doorashooyinka oo Maxkamadda sare u gudbiyey jawaab Celin iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka sugaya warqadii uu ku muddayn lahaa Doorashooyinka

ss

Hargeysa(SLpost) Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ka sugaya warqadii ay ku soo cayimi lahaayeen wakhtiga Doorashooyinka Madaxtinimada iyo Wakiiladda ee ay dhawaan maxkamadda Dastuuriga ahi go’aanka ka soo saartay, markii ay ka garnaqday murankii dastuuriga ahaa ee ka dhashay go’aankii Golaha Guurtidda.

Go’aanka Maxkamadda Dastuuriga ah oo gaadhay dhainacyada ay khusayso ayaa la filayey inay Komishanku ka soo saaraan qoraal ay ku tixraacayaan go’aanka Maxkamadda Dastuuriga si ay ugu gudbiyaan Madaxweynaha kaasoo isna ay tahay in uu ku soo saaro Digreeto.

Dhinaca kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa la sheegay inay Maxkamadda Dastuuriga ah uga jawaabeen qoraal ay dhawaan maxkamaddu kaga dalbatay cida xaqa u leh in uu buuxiyo jago ka banaanaatay Golaha wakiiladda, taasoo Dood ka dhex dhalisay musharaxiin ka soo jeeda Gobolka Selal oo doonaya inay kursigaasi buuxiyaan.

Maxkamadda Dastuuriga ah oo dacwadaas ay u gudbiyeen xubno ka tirsan dadkii ku tartamayey Liiskii musharaxiintii doorashadii Golaha Wakiiladda ee 2015-kii oo is casilay ka hor intaanay doorashada galin ayaa ka dalbatay Komishanka inay soo cadeeyaan liiskaasi qofka ugu soo dhaw ee xaqa u leh, waxaana la sheegay inay jawaabta laga soo codsaday ay gudbiyeen toddobaadkan.

Maxkamadad dastuuriga ah isla markaana ah Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa la filayaa inay go’aan ka soo saarto Dacwadan oo muddo soo jiitamaysay, taasoo muran ak dhex abuurtay musharaxiintii gobolka Selal ee wakhtigaasi ku jiray Liiska sugayaasha jagada banaanaata.

Xigasho Waaheen