Komishanka Doorashooyinka oo go’aan ka soo saaray Muran ka taagan Kursi ka bannaan Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta go’aan hor dhac ka soo saaray muran ka taagan kursi ka bannaanaaday Golaha Wakiillada, kaas oo ay beddelkiisa isku haystaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Abees iyo Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid oo labadooduba ku qoran Liiska xildhibaannada sugayaasha ee kuraasida ka bannaanaata xildhibaannada Xisbiga Kulmiye ugu jira Golaha Wakiillada.

Guddiga Doorashooyinka oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in natiijada kama dambaysta ah laga sugayo Maxkamadda Sare, balse go’aankooda hor-dhaca ahi yahay in kursigaas uu iska leeyahay Maxamed Muuse Abees.  

FAAHFAAHINTA WARKA KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

https://www.youtube.com/watch?v=z5PA3tLHp4Q