Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi-Qaran oo kormeeray goobaha Kaadh-bixinta gobolka Sanaag

 

Ceerigaabo (SLpost)- Masuuliyiinta ka tirsan Saddexda xisbi ee Somaliland iyo xubno ka tirsan Koomishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa kormeeray goobaha ay ka socdaan qaybinta kaadhadhka codbixinta doorashooyinka ee magaaladda Ceerigaabo.

Masuuliyiinta oo markii kormeerku u soo dhammaaday warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey habsami-u-socodka Kaadhaadhka codbixinta oo Khamiistii todobaadkii hore ka bilaabmay saddexda gobol ee Saaxil, Sool iyo Sanaag.

Komishaneer Cabdifataax Ibraahim ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ay u socoto Hawsha kaadh-qaybintu, waxaanu sheegay in gobolka Sanaag kaadhadhka laga qaybin doono 210 goobood oo Khamiistii shalay ay si rasmi uga bilaabantay hawsha Kaadh-bixintu.

Waxa uu sheegay Cabdifataax Ibraahim in maalmo yar oo hakad ahi ay iman doonaan, muddo kadibna dib loo bilaabi doono oo ay toddobaad kaadhadhka aan la qaadanini sii ooli doonaan degmooyinka, iyada oo heer degmo lagu qaadan doono kaadhadhkaas.

Cismaan Afgaab oo ka socda Xisbiga Waddani Maxamed Cali Muuse oo UCID ah iyo Axmed Nuur Faahiye oo Kulmiye ah, waxa ay shacabka gobolka Sanaag u direen fariin ku aaddan qaadashada kaadhadhka codbixinta, iyaga oo tilmaamay in la qaadan doono kaadhadhkii diwaangelintii hore aan la qaadan ee soo hadhay iyo kaadhadhkii dadkii cusbaa ee dhowaan la diwaangeliyey.

Masuuliyiintan ka kala socday saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ayaa uga mahadceliyey Koomishanka Doorashooyinka Somaliland qaabka ay hawsha kaadh-bixinta u wadaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net