Kofi Anan oo Dalka Suuriya u tagay si uu u cadaadiyo Xukuumadda Bashar Al-Asad iyo Guddiga Qaban-qaabada doorashooyinka Dalka Masar oo bilaabay hawlaha

Beirut, 10 March, 2012 (SLpost)- Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Mr.Koofi Anaan ayaa maanta Booqasho qaadanaysa Afar iyo labaatan saacadood ku sugan Caasimada Dalka Suuriya ee Dimishiq,isaga oo ah Ergey gaar ah oo qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabtu u igmatay Xalinta Dhibaatada ka Aloosan dalka Suuriya.

Mr. Kofi Anaan waxaa uu isla maantaba la kulmay Madaxweynaha Dalkaasi Mr. Bashaar Alasad iyo wasiirkiisa Arimaha Dibada Mr. Waliid AlMucalimu, Taas oo uu kala hadlay Sidii loo joojin lahaa Dagaalada iyo Rabshadaha Dalkaasi ka socda  ee u dhaxeeya Ciidamada qaranka Suuriya iyo Mucaaradka hubeysan ee isku Magacaabay Ciidamada Xoreynta.

Waxa kale oo Mr.Kofi anaan ka dalbadey Madaxda dalkaas sidii gargaar aadminimo loo gaadhsin lahaa dadka ku barakacay oo qaramada midoobay ku qiyaastay ilaa halmilyan iyo Badh oo ku sugan Gudaha dalka iyo wadama la jaarka Suuriya.

Arinta ugu Muhiimsan ee uu la soo qaaday Mr.Anaan waxaa Madaxweynaha Dalka Suuriya oo iyaduna ah,sidii wada hadal siyaasadeed loola bilaabi lahaa Mucaaradka Ku kacsan Xukuumada uu hogaamiyo.Haseyeeshee,Mucaaridku Way ka biyo diidsanyihiin Dhexdhexaadinta Mr.Anaan wado iyagoo ku tilmaamay Mid wakhtigeedii Dhacay oon imika ku habooneyn in wada hadal siyaasadeed lala Yeesho Xukuumada Bashaar Alasad.

Dhanka kale, Gudiga Qaaban qaabada ee  Doorashada Madaxtinimada dalka Masar ayaa manta bilaabay inay qabtaan Codsiyada Musharixiinta u tartamaya Jagada Madaxtinimada ee dalkaasi,iyadoo laga joogo Sedex iyo toban bilood Markii xilka laga qaaday Madaxweynihii Dalkaasi Mr. Xusni Mubaaric.

Waxaana la filayaa in doorashadu Qabsoonto bisha May ee sanadkan halka Natiijada lagu dhawaaqi doono Badhtamaha bisha Juun,taas oo Golaha Malateriga wareejin doono Talada dalka Marka uu soo Magacaabo Madaxweynaha Cusubi Golahiisa wasiirada sidii ay ku balan qaadeen.

Hase yeeshee, waxay u soo bandhigeen Gudiga Doorashooyinku raga doonaya inay noqdaan Musharaxiinta Rasmiga shuruudo laga filayo inay fuliyaan  kuwasa oo ay ka mid yihiin in Xisbigiisu soo Magacaabo  xisbugu Haystana taageero ilaa sodan Xildhibaan,halka Musharaxa Madaxbanaan laga rabo in uu keeno ilaa sodan kun oo qof oo taageersan Musharaxnimadiisa.

Musharixiinta qaarkood ayaa la sheegayaa inay Kalsooni darro ka qabaan sida wax loo maamulayo, iyagoo sheegay inuu jiro Gorgortan Musharaxiin lagu taakulaynayo qaar ka mid ah,waxase ay dalbadeen in si cadaalada ah oo xornimo ku jirto loo qabanqaabiyo doorashada Madaxtinimada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net