Kobaca dhaqaalaha Shiinaha oo hoos u dhacay

China(SLpost)-Dhaqaalaha Shiinaha ayaa kobcay boqolkiiba 6.9 sanadkii la soo dhaafay ee 2015, oo haddii la barbar dhigo sanadkii kaasi ka horreeyay oo uu kobacu ahaa boqolkiiba 7.3, aya waxa uu kobocan noqonayaa midkii ugu hooseeyay muddo 25 sana ah.

140214041709_cn_beijing_market_vegetable_512x288_reuters_nocredit

Kobaca sanadlaha ee waddanka labaad ee ugu dhaqaalaha weyn dunida ayaa waxa uu la jaanqaadayay rajada dhaqaale ee caalamka.

Dhanka kale, Beijing, ayaa waxa ay rasmiyan u dajisay in kobaceeda 2015 uu gaadho “ku dhawaad boqolkiiba todoba”.

Sikastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Li Keqiang ayaa sheegay in kobac uu heerkiisa hooseeya ay suuragal tahay in la aqbalo haddii shaqooyin cusub la abuuro.

Dadka ku xeelka dheer arrimaha dhaqaalaha, ayaa dhanka kale waxa ay sheegayaan in kobackasta ee ka hooseeya boqolkiiba 6.8 ay u badan tahay in ay kaga sii darto xaaladda.

Hoos u dhaca dhawaantan laga dareemay suuqyada saamiyada ee Shiinaha ayaa sidoo kale waxa ay argagax ku abuureen suuqyada caalamka, walaacaasi oo ku aaddan xoogga dhaqaalaha Shiinaha oo ah dhaqaajiyaha ugu muhiimsan ee kobaca dhaqaalaha.