Khudbadaha laga jeediyey Caweyskii u horreyey Noociisa ee Xukuumaddu ku marti-qaaddo Qurbejoogga Soo Xagaa-baxay

qurevHargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Xafiiska Qurbo-joogta ee Somaliland, ayaa Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo Casho Sharafeed ah xalay magaalada Hargeysa ugu qabtay ururadda Jaaliyaddaha Qurba-joogta reer Somaliland ee ku kala dhaqan Daafaha Dunida oo socdaal ku jooga dalka, iyadoo sannadkan qurbejooggii ugu tirada badneyd ay fasaxa xagaaga booqasho ku yimaaddeen dalka.

Xafladan lagu maamuusayey Qurba-Joogtay reer Somaliland ee Waddamadda Dibadda ka soo xagaabaxay oo ay Sannadkan Xafladda soo dhaweynta u sameysay Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Xafiiska Qurbo-joogta ee Somaliland, waxa xaflad Meeqaamka Sare aheyd habeen hore loogu qabtay Huteel Guuleed ee Magaaladda Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Md Baashe Maxamed Faarax, Wasiirrada Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis. Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Warfaafinta & Wacyigelinta, Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Xidhiidhka Golayaasha & Tiknoolojiga Cali Xaamud Jibriil, Wasiir ku-xigeenno, Guddoomiyaha Hay’adda Qurbo-joogta Cabdi Cabdilaahi Xirsi, Prof. Dr Bulxan, Masuuliyiinta Laamaha Dibadda ee Ururadda Qurba-joogta Jaaliyaddaha Somaliland, Xildhibaano ka tirsan Wakiilada iyo Guurtidda Somaliland.

Xafladdan oo Sannad kasta lagu maamuuso, loona qabto Jaaliyaddaha Somaliland ee Daafaha dunida kala jooga oo sannadkan lagu tilmaamay inay tiridadii ugu badneyd ee Qurba-joog ahi ay dalka u soo xagaa baxeen, waxa si weyn uga qayb-qaatay Kooxaha Fanaaniinta Qaranka iyo Xiddiga Geeska Afrika, kuwaas oo heeso iyo madadaalo ku soo bandhigay munaasibadda.

quieGuddoomiyaha Hay’adda Qurbo joogta Somaliland Cabdi Cabdilaahi Xirsi oo ugu horeyn ka hadlay munaasibadda, waxa uu yidhi “Waxaan ku soo dhaweynayaa Xafladdan Xagaaga ee loogu talo galay Qurbo jooga dalka ku soo noqday, waxaanan halkan ugu horeyn ku soo dhaweynaynaa Guddoomiyaha Wakiiladda, Wasiiradda arimaha Dibadda, Warfaafinta Somaliland iyo dhamaan Wasiiradda Xildhibaanadda iyo Safiiradda dhamaantiin waan idin soo dhaweynayaan, inta ka diba sannadkan saddexdii bilood ee ugu dambeeyey waxa dalka ku soo laabtay Lix iyo Toban Kun Sagaal Boqol iyo Sagaashan, dhamaan inta kale ee qurba jooga ah ee dibadda naga dhegaysanysa waxaan leeyahay naga mid ayaad tihiin, inta ka dib hay;dan Qurbo jooga waan ku cusbay oo waxaan Xafiiska joogay mudo ilaa Afar Bilood ah ii ka soo wareegtay xiligii Madaxweynuhu Digreetadda iigu magacaabay, waxaan kale oo u mahad naqayaa Wasiirka Arimaha Dibadda oo aanu Darfuur ka soo wada shaqeynay runtiina qisooyin badani halkaasi nagu soo wada mareen mudada Sagaalka Sanno aheyd ee aanu Hay’addaha Caalamiga ah ka soo shaqeynayey.”

Cabdi Cabdilaahi Xirsi waxa uu intaasi ku daray “masuuliyadda 1aad aan qabanaayo hay’addan inta aan joogo , waxa 1aad ee aan idin kala shaqeynayaa waxa weeyaan midnimo horumar iyo Ictiraaf aynu inagu is ictiraafno oo inaga oo Axsaab ah, inaga oo Gobolo ah , inaga oo Qabaa’il ah waxa ina mideeyey waxa weeye Heesta Calanka ee aynu qarankan u istaagnay imika ee astaanteeda ah, waxaan idinka codsanayaa in wixii xog ah aad haddii aad qurbo joogatihiin aad noogu soo dirtaan Website-ka Xafiiska Hay’adda Qurbo jooga Somaliland si aynu warka u kala helo, waxaan idinku dhiirinayaa in aad dhalinyaradda aad Labareeriyo u dhistaan, in aad Garoomo ay ku ciyaaraan u udhistaan, in aad Agoomaha dalka ku tabaaleysan u gurmataan, ta ugu weyni waxa weeye isku imaatinka iyo inaga oo mideysan oo Somaliland oo mida wada shaqeynaa, Abaaro baahsan ayaa dalka ka jira ee waa in wax la wada qabsada oo dadku isku duubini lagu wada shaqeeyo.”

museEng Cabdi naasir Garaad Saalax oo ka socday Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Ingiriiska oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi, “Waxaan aad ugu faraxanahay in sannadkan la yidhi 16 Kun oo Qurbojooga ah ayaa dalka dib ugu soo noqday dhamaan marka hore waad wada salaamantihiin, anigu hore dalka waan u iman jiray balse intaasi oo qurbojoog ahi waligay iyaga oo dalka ku soo noqday hore umaan arag, waa arin lagu farxo oo aad aan u soo dhaweynayno, Madaxweynaha Qaranka Somaliland dadaal badan ayuu sameeyey taasina waxay ka muuqata guud ahaan dalka, waxaad arkeysa Madaaraddii oo dhismay oo intaasi oo diyaaraddood is waydaaranayaan, London ayaa rag iga la soo hadleen oo waxa laygu yidhi Garaadoow Abaara dalkii ka taagan ee arintaasi ka hadal oo Qurbo joogtu lacag haw ururiyaan taasian waa in aynu iska kaashano oo dadkeenu istaakuleeyaan Qurbo joog iyo qolqol joogtaba

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladda Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Xaflada loo qabtay Qurb-joogta Jaaliyaddaha Somaliland ee dibadda oo halkaasi hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi “Waayadan waxaan maqlayey Dalkeeni Ajanibigi wuu ka baxay waxaan leeyahay kama bixin ee waabu ku soo badanayaa, laba saddex qodob ayaan is dultaagilahaa oo midi waa Qabiilka ee Qabyaaladdu waxba ma tarto ee waa in guddiyo loo sameeyo Xaafaddaha si dadku laysku dhexgalo oo Qof kasta Caasimadda uga baxo magaaladda uu doono uu guri ka dhisan karo, mida 2aad na waxa weeye Eray aan leeyahay Jaaliyadda oo aan leeyahay Somaliland waynu wada leenahay oo gedigeen waynu wada leenahay dalka, Afkaarta iyo Xisbiyadda waynu ka kala tirsanaan karnaa oo waynu kala taageeri karnaa, waana in aynu ogaana berigii hore Maamul kaliye oo Muqdisho la yidhaahdo ayaa weerar inagu hayey imika waxa soo kordhnay Xil Maamul oo kale kuwaasi oo iyaguna hada soo biiray marka waa inay Umadda Somaliland wada shaqeysa ii dalkooda wada ilaashaddaan, mada 3aadna waa talo aan Xukuumadda u soo jeedinaayo oo ah la mideeyo Jaaliyaddaha Dibadda ee reer Somaliland si ay qorshe mideysan oo walaalahooda guddaha wax tar u leh ugu qabtaan”

gggWasiirka Warfaafinta Wacyigelinta, Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isna ka hadlay Madasha Munaasibadda Casho Shafareedka aheyd ee Xukuumaddu u qabatay Qurba-jooga Somaliland waxaanu yidhi “Marka hore dhamaantiin Masuuliyiinta Qaranka iyo Qurba-jooga tiradda badan ee halkan faliya waan salaamayaa, inta ka diba waxaynu halkan u fadhina munaasibadan quruxdabadan ee loo qabtay Qurba-joogta Somaliland ee dalka ku soo laabtay, waxaad og tihiin sannadba sannadka ka dambeeye Qurba-joogteenu dalka way ku soo badanayaan, sababtuna waxa weeye mar kasta sannad kasta waxa kordhaaya Dhaqaalaha dalkeena iyo Horumarka dalkeena taasina waxa Suurto galiyey Hogaanka dalkeena Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) oo horumar iyo cadaalad isaga iyo dawladiisu intii ay Xilka hayeen inagu hogaamiyey,marka kulan nocoan oo kale layskugu yimaado Bani’aadamku inay wax kala faa’iideystaan, marka waxaan idinkula talinlahaa in aad koox koox iyo labaatan Labaatan isku raacdaah hadii aad tihiin Qurba-joogeena in aad tagtaan meelo aan Hargeysa uun aheyn oo ah Boorame, tagtaan, Ceerigaabo Tagtaan, Burco tagtaan oo Laascaanood tagtaan oo goboladda kale ee aanan magac dhabin aad soo booqatataan oo u dalxiistagtaan, iyada oo imika ay idiin fududayba in aan Ceerigaabo Dalxiis ku tagtaan, sababtuna waxa weeye Waddadii dhibta lagala kulmi jiray Ilaahay Hamahadii Xukuumaddan ayaa intii ugu badneyd dhistay oo inta kalena hadha”

quie Wasiir Cukuse waxa uu ku daray “Hay’adda Wadooyinku waxay ka mid ahaan jirtay Wasaaradda Hawlaha Guud, Madaxweynuhu waxa uu hoos keenay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, markaana dad ayaa odhan jiray taloow maxay xukuumaddu maantay ugu darneyde Hay’addii wadooyinka iska hooskeentay maantana waad aragteen halka Wasiir Xirsi gaadhsiiyey Hay’addaasi iyo inta ay wadooyin dalka u dhistay, Qurba-joogteenu waxay qaban karaan waxyaabo tiro badan hadana way qabteen in badan, Erayga la leeyahay Qurba-jooga ayaa dalkooda dhista maaha oo waddan kasta Jaaliyadihiisa ayaa horumariya, waxaan idinka codsanaynaa in aad Xirfaddo badan iyo aqoon badan aad dalkiina u soo barataan oo nagu soo celisaan, waxaan idinka bixilahaa Idaacadaha yar yar ee Naxliga iyo Been Abuura ka shaqeeya ,waar waxa aad arkaysaan ee aynu qabsanay marka aad dibaddii ku noqotaan sheega oo aanu qabsanay dheha”

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna Xafladda loo qabtay Qurba-joogta Somaliland ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu hamblayeynayaa marka hore cid kasta oo ka shaqeysay munaasibadan Quruxda badan ee loo qabtay Qurbajooga dalkeena Somaliland, waxaan jeclahay in aan tilmaamo Qurba-jooga waxa la sheegay in sannadkan inay dalka ku soo laabteen ilaa 16 Kun oo Qof oo Qurbo-joog ah reer Somaliland ah, waxaanse Qiyaasay hadii aad Qurbaha iska joogi la heydeen oo Qarashk aan iska qiyaasay in uu Safaradiina ku bahay oo tiro badan hadii aad Waddada Ceerigaabo ku soo caawin la heydeen inay wax badan qaban laheyd, sida la tilmaamayey qof waliba kaalinta uu dalkiisa ka qaban karo waxaad eegaysa maxaad dalkaagii iyo dadkaagii ku kordhisay, waxaan leeyahay iyada oo Qurbaha la tago Qabyaaladii iyo wixii ayaa la wad wada , oo markaan idhaahdo intaan Qurbaha ugu tago waar waddadii wax ku soo dara Ceerigaabo waxa uu mid kasta ku leeyahay Waddadayadii ayaa Qabyo ah ee waxba kalena ma hayn hada waxa laga yaaba ta uu sheegayaba in aanu waxba ku darsan ee uu aniga I Canaadayo, waxaana haboon in umaddu meel u wada jeesato oo wax wada qabsato”

Md Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu intaasi ku daray “Waxaan leeyahay walaalayaal u dhug yeesha oo meel u wada jeesta, waxaan leeyahay kuwa Belo sheega ah ee yidhaahda marka aad Xafladdo waa weyn u qabataan Tahriibkii, waxaan leeyahay ma dhiirigalinayno Tahriib ee Jaaliyaddaha Qurba-jooga ee Somaliland waa kuwa doorka ugu muhiimsan ka qaata dhismaha dalkeena”

Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Xidhiidka Caalamiga ah ee Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo ugu dambeyntii soo xidhay Munaasibadda Wasaaradda uu masuulka ka hayey iyo Hay’adda Qurba-joogta Qaranka Somaliland ay u qabteen Jaaliyaddaha Qurba-jooga Somaliland waxaanu yidhi “Marka hore waxaan salaamaya dhamaan Madaxda qaranka,Fanaaniinta Qaranka iyo Qurba-joogta dalkeena Somaliland ee aanu madasha u qabanay, waxaan leeyahay doorka Qurba-joogu waa mid aad iyo aad u weyn oo aniga laftaydu Qurba-jooga ayaan ka mid ahaan oo doorkiinu maaha in aad lacag dalka keentaane waa in aad Aqoontiina iyo Xirfadihiina keentaan, waxaan idin leeyahay qof kasta oo Qurba-joogta reer Somaliland ka tirsani in uu yahay Wakiil ka yahay dalkiisa iyo Siyaasadda Arimaha dibadda iyo Ictiraaf raadinta uu ka wakiil yahay,waxaan jecelahay in nabadeena iyo horumarkeena Ilaahay ina siiyey aynu ka mahadnaqno, waxa in badan masuuliyiintii iga horeeyey ay ka hadleen Qabyaalada iyo Qaadka oo dhibaato aad u weyn inagu haya , waxaan jecelahay in aan halkan ka sheego wasaaradda arimaha dibaddu hawlo badan ayey qabta oo sannadkii hore aanu Shirbalaadhan dibadda ku qabanay, waxa kale oo aad la socotaan in heshiis balaadhan oo Wadooyin tareen oo Adisababa ilaa Berbera la dhisi doono, waxa kale oo jirta warar xun xun oo maalmahan medelahaasi ka leh Xafiiskii EU-da ayaa la xidhayaa waxaan leeyahay dadku dalkooda haw tudhaan oo ha layska daayo Caalamkan lay waydaaranaayo oo Beentan loo sheegaayo layska daayo”

Proff. Dr Bulxan oo ah Khabiir Caan ah oo wax ka dhiga Jaamacadda Caalamiga ah ee Hardford University ee dalka Ingiriiska oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa qudbad kooban oo ku saabsaneyd dhinaca Waalida oo uu halkaasi ka jeediyey, ayaa si cilmeyeysan uga hadlay uga hadlay umadda dad badan oo ka mid ah oo dhinaca Dhimbirka waxka qaba oo isagu gaar ahaan uu Takhasus xeel dheer u leeyahay loo baahan yahay dadkaasi dhimbirka wax ka qaba in wax weyn il oo qabto, waxa uu halkaasi ka sheegay marar badan oo uu isku dayey inta uu qurbaha ka soo laabtay in uu dadka Dhimbirka ka xanuunsan wax u qabto uu dadka Caafimaadka qaba uu dhibaato kala kulmay, waxaanu ugu dambeyntii ugu baaqay Qurbojooga iyo Qolqol joogta dadlka gudihiisa ku dhaqanba in loo midoobo si wax loogu qabto dadka Caafimaadkoodi Maskaxda ALLE Ka qaaday.

qreWakiillada Somaliland u fadhiya Waddamadda, Ingiriiska, Waqooyiga Ameerika, dalalka Yurub iyo Iskandaneefiyaanka ayaa ka mid ahaa dadkii Xafladda lagu maamuusay Qurba jooga ka hadlay, waxaanay u mahadceliyeen salaana u diray Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siillaanyo) Marwadiisa iyio Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaaan Ismaaciil (Saylici) oo ay ku amaaneen horumarka ay dalka ka sameeyeen mudadii ay xilka hayeen iyo guud ahaanba shacabka Somaliland iyaga oo balanqaaday inay hiil iyo hooba la garabtaagan yihiin qarankooda Jamhuuriyadda Somalialnd.

Ugu dambeyntii Munaasibaddan balaadhneyd ee loo qabtay Qurba-joogta Jaaliyaddaha reer Somaliland ee dalka ku soo xagaa baxay,oo ku dhamaatay Jawi dardaaran iyo degenaasho laheyd oo aad u qurxoon, isla markaana ay balan qaadeen Xubnihii masuuliyiinta ahaa ee u hadlayey Qurbajoogta inay dadkooda iyo dalkooda Somaliland hiil iyo hooba la soo garab istaagi doonaan oo arimaha horumarka iyo Ictiraafka Somalialnd ay si mug leh uga qabygeli doonaan.