Khilaafkii Shirgudoonka Golaha Wakiilada Oo Dib U Istaadhmay iyo Eedaymaha Ay Isku Jeediyeen Labada Dhinac

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa dib u qarxay khilaafkii ka dhextaagnaan jiray shirgudaanka golaha wakiilada Somaliland, labada gudoomiye ku xigeen ayaa gudoomiyaha ku eedeeyay inuu sharciga baal maray kadib markii uu madaxweynaha ku celiyay go’aankii golahu uu isku hortaagay kiraynta haamaha shidaalka.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isaguna dhankiis labadiisa ku xigeen u sheegay inuu golaha isagu ka taliyo, waxaanu uga digay inay xukuumadda u fuliyaan rabitaankeeda. waxa sidan ay ku sheegeen labadan dhinac iyaga oo ku sugan isla xarunta golaha wakiilada.

 

Ugu horayntii gudoomiye Baashe Maxamed Farax ayaa warbaahinta la hadlay waxaana hadalkiis ku bilaabay sidan “Go’aankii golaha waanu ixtiraamaynaa oo waa go’aan gole madaxweynaha ayaa loo gudbiyay markaas waa uu soo celiyay, madaxweynuhu waa kii qaraka waxii ay golahu u codeeyaana waa sharci, xaq ayuuna u leeyahay inuu soo celiyo, waa uu soo celiyay, marka uu soo cliyo umuu soo celin gudoomiyaha ee waxa uu u soo celiyay golaha, guddoomiyahu markii warqadii loo keenay ilaa hada nama tusin oo kama war qabno, golahiina kumuu odhan madaxweynahu go’aankii ayuu inagu soo celiyay, markaas hadii golahu isla qaato in lagu celiyo iyo hadii kaleba isaga ayay u taalaa, warqad ayuu qoray oo uu madaxweynaha ku leeyahay go’aankii waan kugu soo celyay, taasina dawladnimada dalka ayay baalmarsantahay.”

Baashe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxad ogaydeen khilaafyo hore ayaa dhacay oo guurtidu ka garnaqday waxaana lagu heshiiyay in wax kasta oo baxaaya in ay gudoomiyaha iyo labada ku xigeen ay isla ogaadaan, taasina waa uu jabiyay, waxa kale oo uu jabiyay in wax gole ku socda uu kaligii diro waxa laysku kaaya yidhaahdaa shirgudoon waxa uu noo yahay gudoomiye laakiin waa in shirgudoonku wada ogaadaa waxa golaha soo galaaya iyo waxa ka baxaaya, amrkaas warqada madaxweynaha u tagtay waa mid baalmarsan sharciga waxayna ku koobantahay guddoomiyaha, waxaanu ka codsanaynaa inuu madaxweynuu golaha warqadii u soo celiyo, golahu uu go’aan ka gaadho. Guddoomiyahu mar hore waxa uu yidhi kordhinta golahu waa xaaraan, gole uu yidhi waa xaaraan inuu gudoomiyaa uma fiicna, markaas hadalkaas hore iyo warqada baxday ee aanu golahu ogaynba waa inuu raaligalin ka siiyo oo uu soo celiyo golahuna go’aan ka gaadho.”

Intaas kadib waxa warbaahinta isla intan oo kale u sheegay gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaah wakiilada Cali Yuusuf oo markaas garab fadhiyay Gudoomiye ku xigeenka koowaad Baashi Maxamed Faarax.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxman Cirro ayaa isaguna iska difaacay eedaymahooda waxaanu sheegay in madaxweynaha uu ku celiyay warqadii uu u soo qoray maadaama oo aanu dastuurka dalku xaq u siinayan in uu hor istaago go’aanada golaha, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Marka hore waxaan doonayaa inaan shacabka u sheego sida xeerhoosaadku sheego gokaha waxa matala oo afkiisana ku hadli kara gudoomiyaha golaha wakiilada.Golaha wakiiladu laba wax ayuu sameeyaa midi waa shuruuc, midna waa go’aamo, dastuurku waa uu tilmaamay marka ay shuruuctahay madaxweynuu inuu awood u leeyahay inuu soo celiyo oo qodobka 78-aad ee dastuurka ayay ku cadahay, dastuurku ma jiday meelna kagama qorna inuu madaxweynuu soo celiyo go’aan gole,kuma jirto meelna kuma xusna,go’aankani waxa uu ahaa mid ay isku raaceen aqlabiyada golaha aniga oo raacaya dastuurka kuna hadlaaya magaca golaha waxaan u celiyay oo aan u tilmaamay madaxweynaha inuu awood u leeyahay inuu soo celiyo marshuuc sharci hasayeeshee aanu dastuurku jidayn in uu go’aan sharci soo celiyo.”

Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Warqada laba qodob ayaa ku qornaa midi kaas ayuu ahaa, baryahan waxa inugu soo noqnoqonaysay muranka dhulka markaas qodobka labaad waxa uu ahaa inuu dastuurku jideeyay in la sameeyo xeerka dhulka intaan la iibin ama wax kale la samayn in xukuumaddu sida ugu dhakhsaha badan ay u soo samayso si looga baxo muranada badan ee ka jira maamulka hantida qaranka. waxaan maqli jiray barigii hore geela la kala dhici jiray oo inta nin wadaad ah  loo geeyo oo la yidhaahdo xoolahan wax ka qaado anagana noo xalaalee, markaas waxaan is leeyahay xukuumadu waxay jeclaysatay nin kursigan aan ku fadhiyo ku fadhiya oo waxay doonaysana u xalaaleeya,saaxiibadayna waxaan leeyahay ha noqonina wadaadadaas geela la soo dhacay cida soo dhacday u xalaalaynaysa.”