Khilaafkii Golaha Wakiilada Oo La Soo AfJaray iyo Qodobo La Isla Qaatay

Hargeysa (SLPOST)  Ergaddii Golaha Guurtidda ee dhex-dhexaadinta ka wadday  Khilaafkii ka taagnaa Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa soo saaray Saddex Qodob oo xal u noqonayay Khilaafkaasi,

G-Wakiilada

kuwaas oo ay ka mid yihiin in aan Mooshin dambe oo ka dhan ah Shirguddoonka Golaha la hor-keenin inta ka hadhay Muddo Xileedkooda iyo in la simo codka kalsoonidda lagala noqon karo Shirguddoonka Wakiiladda, kuwaas oo ah  42 .

 

Guddoomiya ku xigeenka koowaad ee Golaha Guurtidda  Siciid Jaamac Cali ayaa fadhigii Maanta kaga dhawaaqay qodobadda xalka u noqonaya Khilaafka Golaha Wakiiladda, kuwaas oo u dhignaa sidan:-

Go’aankaas guurtida wuxuu ku soo ururay labadan qodob:-

­1-Shirgudoonka golaha in uu sidoodii ahaado

2-In gudoomiyaha wakiilada xilka lagaga qaadi karo 42 cod.

3- Inaan gudoomiye Cirro xilka laga qaadi Karin ama xilka qaadis lagu soo oogi Karin mudada u hadhay golaha Wakiilada Somaliland ee hadda fadhiya.

Isku soo wada duuboo Gudomiyaha golaha Wakiilada Cirro  ayaa isna  dhankiisa aqbalay go’ankaas guurtida .

Geesta kalena golaha Wakiilada oo kalfadhigiisii muranka ka aloosmay dhamaadey ayaa la xidhay lana fasaxay muddo laba bilood ah.Sidoo kale garabka xildhibaanada ee xukumadu soo shidaaliso ayaa iyana ku qancay go’aankaas.

 

Si kastaba ha haatee  Go’aankan Golaha Guurtiddu ay  ku xaliyeen Khilaafkan aya yimid ka dib markii Guddi  ka tirsan Wakiiladda ay dib ugu celiyeen Guurtidda.

Somalilandpost.net

Edit@somalilandpost.com