“Khilaafka Xisbiga KULMIYE waxa uu ku qurux badnaa in lagu eekaysiiyo heer Xisbi oo aan laga dhigin Khilaaf qaran oo ay umadda oo dhami la kala safato oo la sii hol-ciyo dabka..” – Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedkii Doorashada goleyaasha Deegaanka ku hadhay ee XAQSOOR Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa xukuumadda iyo hoggaanka Xisbiga Kulmiye ugu baaqay in khilaafkoodu iyaga ku koobnaado oo aan laga dhigin arrin qaran oo looga faa’idaysto siyaasado is-xambaarsan.

Md Xasan ciise JaamacMujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu soo jeediyey in xalka khilaafka Xisbiga Kulmiye aan gacan dhaafin ergada isu-xil-qaantay dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida Somaliland, isla markaana aan laga ilaaliyo doca-docayn uga timaadda labada garab ee Xisbiga.

“Khilaafka Xisbiga KULMIYE waxa uu ku qurux badnaa inay gudahooda ku dhameystaan, haddii ay jiraan dad khilaafka dhexdhexaad ka ah oo daacad ka ah, kuwaas ayey ahayd inay gacanta ku dhigaan oo ay labada dhinac isugu yeedhaan oo ay ku dedaalaan inay dhameeyaan, laakin haddii ay marxaladaasi suurtoobi-weyday oo ay Guurtidu soo guda-gashay arrintii waxa aan qabaa in Guurtida loo daayo, sababta oo ah haddii Guurtida oo arrintii gudashay la garab cararo oo laga dhabqiyo arrintu firqado badan ayey yeelanaysaa oo ma fiicnaaneyso wayna sii fool-xumaaneysa,” sidaas ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo u warramay wariye Mustafe Janaale oo weydiiyey sida uu u arko khilaafka ka dhex-aloosan xisbiga Kulmiye

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markaa waxay ku qurux badan tahay mar haddii Guurtidii Somaliland arrintii u xaytey oo uu guddoomiyahoodu hoggaaminayo guddida arrinta guda-galay waa in iyaga lagu ixtiraamo oo loo daayo oo khilaafka lagu eekaysiiyo heer Xisbi oo aan la qaramayn, oo aan laga dhigin Khilaaf qaran oo ay umadda oodhan ay la kala safato oo la sii hol-ciyo dabka oo batrool lagu sii shido oo dabeeto laga sii daro in laga ilaaliyo ayey ku qurux baddan tahay oo lagu eekaysiiyo heer Xisbi, sidaas ayaan soo jeedinayaa,” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jamaac, waxa uu sheegay in danta umadda iyo dalkuba ku jirto khilaafka Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo xal kama dambays ah loo helo, waxaanu Eebbe ka baryey inuu ku dhammeeyo sida danta dalka iyo dadku ku jirto.

 

Somalilandpost.net/Hargeysa