Khilaafka Warshada Sibidhka ee Berbera, Xalkeeda Xukuumada ha loo Daayo

Khilaafkii ka aloosnaa warshadda sibidhka ee Berbera ayaa maalmihii ugu dambeeyey meel xasaasi gaadhay, waxaanna loo baahanyahay in xukuumadda ay arrintan si toosa u soo afjarto , isla markaana ay gacanta ku hayso arimaha ku saabsan khayraadka umadda ka dhaxeeya , iyadoo ku hagaysa shuruucda loogu talo-galay in lagu maamulo hantida Qaranka.

Waxaanad moodaa in arrintu ka bilaabantay koox reer Somaliland ah oo xukuumaddii hore ee Rayaale siisay iyo koox kale oo taageersan in ay maalgeliso shirkadda Dahabshiil, waxaana lagu muransan yahay sidii dib loogu kicin lahaa wershadii Sibidhka Berbera ama mid kale oo cusub looga yagleeli lahaa.

Waxaana aan ognahay in khilaafka warshada sibidhka ee ka taagani uu ahaa arrin muddo dheer soo jiitamaayey, guud ahaana haddaynu nahay qaran wax kasta oo ku soo kordha  Somaliland dawlad ay leedahay, iyadaana laga rabaa inay keento nidaam ama xeerkii lagu kala hago khayraadka dabiiciga ah, khilaafkaasi waa mid halis gelin kara ammaanka.

Waxaana aynu la soconaa in ay  xukuumaddu  u dirtay wefti uu hogaaminayo  Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale ( Duur), ayna weheliyaan  Xildhibaanada Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Cali Xasan Maxamud (Cali Mareexaan).

Weftigani ka socda xukuumada ayaa markiiba kulamo kula yeeshay Xarunta guriga martida ee Berbera dhinacyada isku haya dhulka la doonayo in laga dhiso Wershada Sibidhka.

Mar haddaynu Qaran nahay waxa xukuumadda looga baahanyahay inay sharciga ay arinta ku soo dabaasho, waxkastana laga hormariyo degenaanshaha iyo xasiloonida ,cidlastaana kula shaqayso xukuumada, wixii khilaafaad horseedi karana laga digtoonaado.

Waxaana laga maarmaana in waxii  ku saabsan Khayraadka dabiiciga ah ,aan loo baahnayn in cid gaar ahi maamusho, isla markaana waa in laga fogeeyaa inay maamulaan, shakhsiyaad iyo shirkaddo iwm,  khayraadka dabiiciga ah dadka oo dhanba wada leh, waa inaanay cid gaar ah manafacaadsan, dadkuna waxay ka midaysanyihiin in waxan la wada leeyahay, markaa waxaan leeyahay xukuumaddu iyada ka masuulee waa inay samaysaa maalgelin la wadaago.

Waxaana loo baahanyahay in xukuumadu xal ka gaadho wershada sibidhka Berbera oo hadalhaynteedu badatay, iyadoo ay imika muddo todobaad ku dhow magaaladda Berbera la Ruxmaysay khilaafka arrintaasi oo ka dhex aloosan labo kooxood midna ku doodaysa xukuumaddii hore ee Rayaale ayaa na siisay iyo kooxda kale oo iyaduna tageeraysa Shirkadaha doonaya inay maalgeliyaan wershada Sibidhka.

Qalinkii: Adan Yusuf Cilmi