Khilaaf ka dhex Taagnaa Xulka Kubadda Cagta Togdheer oo Xalkiisu Galaaftay Maamulkii Heer gobol ee Wasaaradda Ciyaaraha

BurcoBurco (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Cali Siciid Raygal iyo Wefti uu hoggaaminayo oo shalay socdaal ku tagay xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco, ayaa soo afjaray khilaaf xaasaasiya oo ka dhashay habka loo maamulay xulashada tiimka kubadda Cagta ee gobolkaas u metalaya tartanka ciyaaraha gobollada oo 2-da bisha June ka furaya magaalada Hargeysa.

Wasiirka Dalxiiska Iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal oo ay Weheliyaan Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Madaxtooyada Bashiir Cabdi Xariir, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Cadaaladda Axmed Cilmi (Ilkacase) Iyo Maxamed Muuse X Cabdi, ayaa habeen hore socdaal ku tagay xarunta gobolka Togdheer ee Burco, waxaanay Kulamo la qaateen Dhalinyaro cabasho ka muujiyey habka loo maamulay xulashada ciyaartoyga.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Axmed Cumar X Cabdilaahi (Xamarji) iyo Xubnaha Weftiga xukuumadda, ayaa si wada-jir ah kulan ula qaatay Dhamaan Shaqaalaha Wasaarada  Ciyaaaraha ee gobolka Togdheer Iyo labada garab ee Xulka Ciyaartoyga Kubada Cagta u kala jabay, kuwaas oo ka dib, dood iyo gar-qaad masuuliyiintu ka dhegaysatay maamulka heer gobol ee wasaaradda iyo dhalinyarada tabashadooda la dareemay, masuuliyadda khilaafkaas dusha loo saaray isla markaana shaqada lagaga fadhiisiyey maamulkii wasaaradda ee gobolka, arrintaas oo soo af-jartay khilaafaadkaas, waxaanay laysku af-gartay in dhammaan ciyaartoygu ka qayb-gali doonaan tartanka kubadda Cagta ee ay gobolka Togdheer u meteli doonaan.

Weftigu waxay heshiisiiyeen dhammaan ciyaartoygii gobolka kuwaasi oo si wada jir ah iyagoo isu calool fayow Arbacada u soo ambo-bixi doona magaalada Hargeysa oo tartanka ciyaaraha goboladdu ka furmi doonaan.

Somalilandpost.net

News Desk