Khidmadda Xukuumaddu ku kordhisay Maxjarrada oo Culeys ku keenay dhoofka Xoolaha iyo Cabashada Ganacsatada

Berbera (SLpost) Ganacstada xoolaha ka dhoofisa dekedda magaalada Berbera, ayaa maalmihii u danbeeyay cabasho ka muujiyay caqabado ka soo wajahay khidmad xukuumaddu ka qaadan jirtay Maxjaradda xoolaha oo la kordhiyay.

Tobankii casho ee u danbeeyay waxa hoganayay xeryaha adhiilaha magaalada Berbera adhi tiradooda lagu qiyaasay 75000 neef, waxaana lagu guda jiraa xiliga xoolaha u badan ay dhoofaan dekedda Berbera, Waqtigaas oo inta badan ganacsatada xoolaha dhoofisaa ku mashquulsanyihiin dhoofinta xoolaha ayaa hadaba todobaadkan u daneeyay waxa soo foodsaartay caqabad, waxaana dhacday in xukuumadu kordhisay khidmadii ay ka qaadan jireen maxjarrada Berbera ku yaala.

Arrintani waxa ay sababtay in hawshii raridda xooluhu istaagto ilaa hadana aan xal laga gaadhin. waxaana todobaadkan gudihiisa dalka soo gaadhay wakiilka shirkada aljaabiri Xasan Al Xasaani oo dalka u yimid sidii isbedelka xukuumada ku dhacay wixii ay hore ugu heshiiyeen uga wada hadli lahaayeen.

Ganacsatada xoolaha dhoofisa ayaa aad uga welwelsan caqbadahan lagu soo beegay xiligii xoolaha ugu badan Somalilad laga dhoofin jiray lacagta adagna dalka ka soo gali jirtay, waxaanay qaarkood leeyihiin oo ay ka digayaan hadii aanay xukuumadu ka noqon lacagta ay ku kordhisay maxjarada oo iyaguna dusha ka sii fuulayaan in xoolahooda ay kula wareegi doonaan dekadaha dariska ah, hadii sidan xukuumadu ku adaysato.waxaanay doodooda ku sababeeyeen ganacsatadu culays intaasi ka badan aanay qaadi karin. waxaanay sheegeen in mudadan wax ka badan aanay xooluhu u adkaysan karin kulaylka magaalada Berbera. Culayskaas ayaanay ganacsatada xooluhu ku tilmaameen caqabad hor leh, iyaga oo sheegay inay ku jiraan xili Xagaa ah oo aad u kulul oo aanay xooluhu u adaysan karin.

SOMALILANDPOST.NET