Khatarta Somaliland kaga soo fool leh Xannuun Dilaa ah oo ka dilaacay Bariga Dhexe – Warbixin Wariye Maxamed Xarrago

MERS261 qof oo caalamka ku kala nool ayaa ilaa hadda la xaqiijiyay inay qabaan xanuunka  dilaaga ah ee MERS, kuwaasoo 93 ka mid ah dadkaasi u dhinteen.

Fayraska cusub ee loogu magacdaray  “Middle East Respiratory Syndrome Coronavirus” (MERS-CoV) ayaa  markii u horraysay laga maqlay dalka Saudi Arabia 2012 iyo Jordan, waxaannu intaa ka dib ku faafay qaar ka mid ah dalalka caalamka oo ay u badanyihiin lix wadan oo Bariga dhexe ku yaal sida Cumaan,Kuwait, Qatar iyo Imaaraadka iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin , Ingiriiska, Faransiiska, Masar, Giriig, Tuniisiya, ayaa la sheegay in laga helay dad u socdaalay bariga dhexe oo waddammadaas ku noqday.

Mers waxaa sababa Fayraska Crona, oo ay isku qoys yihiin Feerasyo kale oo uu ka mid yahay SARS, oo ka dilaacay dalka China 2002-2003, kaasoo ay ku dhinteen dad gaadhaya 800 oo qof.

Fayraska MERS waxaa lagu kala qaadaa hawada iyo taabashada, lama helin dawadiisa ilaa hadda.

Calaamadaha Middle East Respiratory Syndrome Coronavirus (MERS-CoV): Wuxuu ku dhacaa neef-mareenka,waxaana astaamihiisa ka mid ah; qufac, biyo sanka ka yimaada, neefta oo qofka ku yaraata, feedho xanuun, xumad, iyo hawlgabka kelyaha (kidney failure).

Qofkii u horreeyay ee fayrasku asiibay waxaa caddeeyay Waaxda Caafimaadka Maraykanka ee Gobolka Indiana  2 May 2014, oo laga helay qof socdaal ah oo ka soo kicitimay magaalada Riyaad Sucuudida uu ka soo degay Chicago, isagoo Transit ku soo maray London.

Saraakiisha caafimaadka Maraykanku waxay ku hawlanyihiin baadhitaanka dad kale oo looga shakisanyahay inay ag fadhiyeen ninka xannuunku ku dhacay.

Dalalka caalamka badankiisu waxay u diyaar garoobeen sidii ay muwaadiniintooda uga xakamayn lahaayeen dadka xanuunkan qaaday ee safarrada cirka, dhulka iyo badd ka soo gelaya, iyagoo baadhitaanno caafimaad ku samaynaya dadkaas soo gelaya.

Xukuumadda Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay shacabka ku baraarujiso xannuunka dilaaga ah eek a dilaacay Bariga dhexe, maadaama duulimaadyo joogto ahi ka yimaadaan dalalka uu ka dilaacay xannuunkani, islamarkaana ku dedaasho in baadhitaan lagu sammeeyo cidkasta oo dalka imanaysa, laguna hubiyo caafimaadkooda madaaradda, dekedaha iyo xuduudkaba, si loo badbaadiyo nolosha shacabka oo dhan.

Xannuunka MERS ka hortag mooye, dawo ma leh.