Khashinka oo Weli Tuulan Suuqyada Idaacada, Xisbiga iyo Xaafada Jaamac Gunti iyo Wasaarada Caafimaadka oo aan Isku Arag inay Door ku leedahay

Waxan saaka soo maray Waddada dheer ee dhex marta Suuqa Idaacada Radio Hargeisa Ilaa Xisbiga isku xidha, Waxa Wadada hareeraheeda buuxay khashin aad ka yaabto urta ka soo baxaysa iyo sida Ayda iyo Bisaduhu u faqeen, Waxa ugu sii la yaab badnaa Markii aan arkay Khashin horyaala Sariimada Idaacada oo Dumarka Muuska  iyo khudaartu aynu cuno iibiyaa ay waayeen qaarkood meel ay dhigtaa Khudaarta iyaga oo ka murugaysan Khashinkan iyo Qudhunka yaala meeshii ay ku ganacsanayeen, dadku malaha way la qabsadeen Khashinka iyo Qudhunka Wadooyinka la soo dhigo habeenkii ee hadii aad soo marto Suuqyada wakhtiga fiidkii ah aad odhanayso Malaha meeshani maaha halkii aad maanta joogtay ee Magaalada ahayd, Suuqyada Magaalada Hargeisa dharaartiina waxa lagu iibiyaa Cuntada aynu cuno, sida khudaarta, Hilibka iyo wixii la mid ah habeenkiina waxay isku badelaan meesha Qashin Qubka ee Caasimada. Qofkii been moodayaa Caawa 9:00 pm ha yimaado Suuqa Xaafada Xero Awr ee lagu iibiyo Hilibka iyo Khudaarta, Miisaska hibilka la dul dhigo subaxii ayaa habeenkii la soo duldhigaa ama la hoos dhigaaa wixii khashi Xaafada Xero Awr lahayd oo dhan,  Wasiirka Caafimaadka iyo Maayor Jiciir Waxan ka codsanayaa inay indhahooda ku soo arkaan Caafimaad xumada ay ku noolyihiin dadka ku nool xaafadaha Xero Awro (koodbuur) iyo Xaafada Idaacada iyo Xisbiga (26 June) oo suuqyadoodu habeenkii yihiin Qashin qub.  Markaad shacabka waydiiso maxaa idinku kalifay inaad suuqyada keentaan Khashinka, waxay kuugu jawaabayaan meel kale oo la dhigo oo qaranku leeyaha mar jirto, dhulkii danta guud ee loogu talo galay waxa cunay Gollaha Deegaanka ee Caasimada oo wixii ay ka soo gaadheen dan guud aan hal mitir kaga tegin. Markaa shacabku xal kale oo aan ahayn suuqa lagu ganacsado aan ahayn ma haystaan. Dawlada hoosena inay wax cunto oo ay danta guud iibsato oo wadooyinkii xitaa ay iibsadaan mooyee dan guud oo ay ka shaqeeyaan ma jirto.

Shirkadaha Khashinka Ururiya qandaraas ayaa la iska siiyay, waxay khashinka ka qaadaan oo qudha wadooyinka laamiga ah oo waliba maalmaha qaarkood aanay kaba qaadin, Xukumaduna ma kormeerto inay shaqadii loo diray qabanayaan iyo in kale, tusaale ahaan, xaafadaha dhexdooda wadooyinka yaryar ee aan ahay laamiga iyo xaafadaha dhexdooda khashinka iyo wasakhda ayaa buuxda, Dawladihii hore waxay laahaayeen shaqaale fayo-dhawr oo magaalada dhex mara maalinkasta oo dadka wacyi-geliya oo xitaa ganaaxa dadka waxyeelaya caafimaadka dadka iyo deegaankaba.  Qofkii raba inuu indhihiisa wax ku arko fadlan soo booqo Caawa fiidka ama beri subax Sariimadaha Xaafada Xero Awr, Idaacada iyo Xisbiga. Dharaartii waa suuq habeenkiina waa Khashin Qub.

Cabdiraxmaan Maxamed

 Hargeisa-Somaliland