Khasab Maaha in Qof Kasta oo Waxbartaa Cid Kale U Shaqeeyo. W/Q-Maxamed Cali Bile

 

  1. Waxa dhici karta inad jaamacad dhiganeyso oo aad ka fikireyso in marka aad dhameyso aad shaqo doonato. Waxa kaloo dhici karta inaad jaamacaddii dhameysatey oo aad shaqo doon tahay. Waxa kaloo dhici karta inad iminka shaqo ku jirto oo aad rabto inaad shaqadaa horumar ka sameyso.

 

  1. Haddad tahay mid ka mida 3 dan qof een sheegey, hadda ogow khasab maaha inad cid kale uun u shaqeysaa, ee waxa aad abuuri kartaa shaqo aad adigu xor u tahay oo aad naftaada ku kafeyso dad kalena shaqo ku siiso. Fikirkan ah in qofkasta oo wax bartaa cid kale u shaqeeyaa waa fikir aad u qaldan.

 

  1. Dadku hawlaha wey u kala sameynsayihiin. Dadbaan u sameysneyn iney iyagu shaqo abuuraan oo ku oon rabin iney khatar qaataan oo jecel iney meel kale u shaqeeyaa. Balse, dad ayaa ku fiican iney shaqo abuuraan. Waa muhiim inad is tijaabiso oo ad wax kuu gaar ah isku deyd. Qofka iskii u shaqeysta ee shaqo abuura uu ka farxad badanyahay qofka cid kale uun u shaqeeya. Waxa keli ah ee ay u baahantahay shaqo badan, Samir iyo geesinimo ad wax ku bilowdo.

 

  1. Waxa dhici karta inaad leedahay wax kasta oo la qaban lahaa waa la sameeyey wax danbe mey hadhin. Run ahaantii waxa la sameeyey dhibicna kama ahaa marka la barbar dhigo waxa dhiman ee u baahan in cidi hindisto. Haku indho beelin intan yare e kuu muuqata ee hoos wax u eeg, wax ka ogow sida caalamka kale shaqo iyo adeeg loo abuuro, ka bacdi isku dey inaad adna abuurto.

 

  1. Marka ad shaqo abuureyso waxyaabaha ad eegeyso waxa ka mid ah shaqo ama adeeg baahidiisu jirto balse aan ilaa hadda cidi qaban. Marka hore haka fikirin shaqada la qabanayo balse ka fikir baahida iyo sidii baahida loo dabooli lahaa. Tusaale ahaan haddaad caruur dhashay oo ad reabto inad dabbaasha barto, ma berbera uunbaa la tegeyaa miyaan la sameyn karin meel hargeisa ama Burco ama Boorama ku taala oo dabbaasha lagu barto. Wax aan loo bahneyni ma jiro balse geesinimo iyo samir ayay u baahantahay.

 

  1. Waxa kalood jirtaa adeeg iminkaba jira balse wax ka dhimanyihiin oo haddii la casriyeeyo dadku xiiseynayaan. Wax ad isleedahay malaha haddii wax lagu kordhiyo xiisahaa badan. 5 sanadood ka hor makhaayad waxa ad u taqaaney meel inta la galo qado ama caso laga cuno, oo inta la faraxasho la iska tago. Dadbaa iminka furey makhaayad macno kale leh oo aan loo tegin uun in wax laga cuno balse loo tago in lagu kulmo, wax laga cuno, lagu sheekeysto, internetka laga galo. Dad uunbaa inta ay sida u eegeen yidhi waar malaha dadku meel ay ku kulmaan ayay u baahanyihii oo ay wax ku cunaan kuna haasaawaan. Miyaad ka fikirtey iskuu ajinabiga loogu dhigo af ingiriisiga iyo ciyaar Soomaalida.

12063398_10208176057628423_3509771135180296107_n