Khasaare Naf iyo Mood isugu jira oo ka dashay Dab ka Kacay tuulada Geerisa

Geerisa (SLpost)- Sadex qof ayaa ku dhaawacmay,guryo badanina waa ay ku shufbeeleen kadib markii shalay dab ka kacay Tuulada Geerisa oo ka tirsan degmada Lughaya ee Gobolka Awdal.

Taliyaha Ciidamada Qaranka ee Gobollada Awdal iyo Salal Yuusuf Iimaan Diiriye ayaa warbaahinta u sheegay in dabkani uu gebi ahaanba baabiiyay dhismayaashii magaaladaas marka laga reebo Xeryaha Ciidamada, waxaanu taliyuhu intaas ku daray in dabkan oo aan la garanayn sababta keentay uu dhaawac ka soo gaadhay sadex qof.

Taliyaha la weydiiyay baaxadda khasaaraha dabkani dhaliyay, waxa uu ku sifeeyay mid baahsan isla markaana ay ku shuf beeleen hanti iyo dhismayaal badan oo ku yaala tuulada Geerisa waxaanu sababaha kor u qaaday heerka khasaaraha dabku gaystay ku sheegay inay qayb ka ahayd shiidaalo laga ganacsado oo yaalay dhismayaal door ah .

Gudoomiyaha Degmada Lughaya Maxamed Yuusuf Geele ayaa dhiniciisa ka sheegay inay tuuladaas u direen baadhayaal u dhabba geli doona sidii ay wax u dhaceen, waxaanay noqonaysaa markii u horaysay ee khasaare noocan oo kale ahi ka dhaco Tuulada Geerisa .