Khasaaraha Qaraxyo Ka Dhacay Maraykanka iyo Madaxweyne Obama oo aan Cid gaar ah Ku Eedayn dhacdadaas

Boston (SLpost)- Qarax Xooggan oo ka dhacay jidka JFK ee magaalada Boston ee gobolka Massachusetts ee Maraykanka oo uu ka socday tartan Maaratoon ah, ayaa sababay dhimashada inta la ogyahay laba qof Dhaawac gaadhaysa 24 qof.

Ciidamada Ammaanka magaalada Boston ayaa sheegay in khasaaruhu ka dhashay laba qarax oo kala horeeyay oo mid ka mid ahi ka dhacay Maktabad ku taala Jidka JFK ee magaaladaas halka ka kalana qarxay markii orodyahanadu ay soo gaadheen Leynka lagu dhammeynayey orodka oo dhowr tallaabo u jiray meesha ay maktabaddu ku taallo.

Madaxwaynaha wadanka Maraykanka Barack Obama oo dhacdadan ka hadlay, ayaa sheegay inay cadaaladu shaqo adag ka qabsan doonto cidii ka dambeysay qaraxyadaas Caawa fiidnimadii saacadda Bariga Afrika ka dhacay magaalada Boston.

Boston Marathon explostion“Wali ma ogin ciddii waxan samaysay iyo sababta midna, dadkuna yaanay iska mala awaalin warka u dambeeya , ilaa inta aanu xaqiiqda oo dhan wada helayno, laakiin khalad samayn mayno, ilaa gunta waanu soo heli doonaa, qofkii falkan ku kacayna waanu soo qaban doonaa,” sidaas waxa yidhi madaxweyne Obama oo hadlay wax yar kadib qaraxaas. Isagoo tacsina udiray , qoysaska dadkii wax yeeladu ka soo gaadhay, amaanaynay gurmadayaashii degdega ahaa.

“Waanu ogaan doonaa sababta ay waxan u sameeyeen. Qof kastoo masuul ka ahaa, koox kastoo ka dambeysay waxa la marin doonaa cadaalad xoog dhamaystiran leh” ayuu hadalkiisa raaciyey Obama.

Boston Marathon explostion2Madaxeyne Barack, ayaan isticmaalin sidii caadada u ahayd masuuliyiinta USA, kalmadda Argagixiso intii uu hadlayay , waxaanu kulamo degdeg ah la yeeshay, masuuliyiinta ugu saraysa amaanka wadankaasi.

Guud ahaan wadanka ayaa ammaankiisa aad loo adkeeyey, waxaanay qaraxyadani ku soo beegmayaan xilli uu safar ku tagayo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland , mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wafti uu hogaaminayo, oo martiqaad ka helay masuuliyiinta Maraykanka.