Khasaaraha Maaliyadeed ee ka dhashay Doon u rarnayd Ganacsato Somaliland oo Degtay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay Doon u rarnayd Ganacsato reer Somaliland oo dhowaan qarran-qarantay xeebta Dekedda Berbera masaafo u jirta 20-meeyo KM.

 

Doonta oo sidday Hanti-badan oo isugu jirtay Gaadiid iyo Allaabooyin kale isla markaana laga soo raray magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa gabi ahaan ku qaraqantay biyaha Badda iyada oo aan haba-yaraatee waxba laga badbaadin Hantidii saarneyd sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland.

 

Hantida ku khasaartay Shilkan oo lagu qiyaasay in ku dhow 5 Milyan oo Doollar, waxa kala lahaa 81 qof oo isugu jira Shaqsiyaad iyo Shirkado Waddanka u dhashay, iyadoo ganacsatada dalku inta badan la kulmaan khasaaraha noocan ah isla markaana aanay jirin cid la wadaagta oo dib ugu celisa hantidooda sababo la xidhiidha doonyaha iyo Maraakiibta alaabadooda soo saaraan oo aan inta badan ka diiwaan-gashanayn shirkadaha Caymiska ee caalamiga ah ama kuwa dalka gudihiisa ka jira.

 

Haddaba, Muuqaalkan Hoose ka daawo xog-warranka Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo faahfaahinaya arrintan.